Qiso Naxdin Leh:- Jugta I gaartay waa mid aan gabarnimadaydii ku waayay‏

Bulsha:- Ma ahan mid qoraal oo kaliya lagu soo koobi karo dhibaatada loo gaysto hablaha Soomaaliyeed waxaana marar badan dhacda in ay maraan dhibaatooyin adag oo aysan xamili Karin.

Qormadaan ayaa ah mid aan ku soo bandhigeeno qiso xanuun badan oo ku dhacay gabar Soomaaliyeed oo magaceeda ku soo koobtay Nasteexo waxa ayna dagantahay Magaalada Adis-ababa sida ay inoo sheegtay.

Sheekadu waa mid xasaasi ah waxay ka bilaabatay waddo dhexdeed markii aan si kadis ah isku baranay nin da’diisu u dhaxeyso qiyaas ahaan 28-35 oo magaciisa iigu sheegay Cabdi Xakiim wuxuuna sidoo kale ii sheegay inuu dhaqtar yahay, wuxuu igula muuqday nin akhyaar ah sida aan muuqaalkiisa ka gartay.

Lambarkayga ayuu igu qaatay kadibna si wanaagsan ayuu ii soo xariirin jiray waa hubaal inaan anigu guur doon ahaa balse wixii guur aan ahayn ma jecleyn dhowr habeen ayuu gurigeyga igu yimid waxaana u martiqaadi jiray si wanaagsan.

Inkastoo muuqaalkiisu ahaa mid Akhyaareed hadana hadalkiisa iyo gacanta oo ka soo horreysa ayaan ahayn kuwa is leh, wuxuuna dhowr jeer isku dayay oo uu iga codsaday inuu Ishumiyo ama jirkayga taabto taasna uma ogolaan jirin guurka ka hor waxaana u sheegay in guurka hortiisa arimaha yimaada aanan ogolayn.

Wuxuu ii balan qaaday inuu I guursan doono oo nolosheydana uu wax ka badali doono maadaama ay nolosheyda iska xumeed waxaana niyadda iska iri “ Haddaad heshay Ninkii Noloshaada wax ka badali lahaa”.

Siduu xirriirkeenu u dhisnaa hamigeyguna u raacay ninkaasi ayaa maalin wuxuu iga codsaday inaan ugu tago gurigiisa si sharuud lahaan ah ayaan uga aqbalay sababtoo ah xumaan kuma aanan baran mana is dhaheynin wax ay niyaddaadu diidantahay ayuu sameenayaa.


Horay ayuu in badan ii dhihi jiray haddallo aan u malaynaayay kaftan oo dareenka qofka kicinaya, Wexeyna Niyadeyda Aqbali weysay inuu si dhab ah u sameen doono hase yeeshe sidaan filayay iyo sidey noqotay waa mid aan loo noqon doonin.

Markii la gaaray xilligii balanta ayaan si dhaqso ah uga soo baxay gurigii aan deganaa waxaan ka fikirayay sidaan ugu hagaagi lahaa gurigiisa halka uu iigu tilmaamay, gaari ayaan soo raacay 15 daqiiqo kadibna waxaan soo gaaray halka ay tilmaamto ahayd telefan ayaan ku garaacay waxaana u sheegay meesha aan taaganahay.

Wax yar markii aan taagnaa qiyaastii 5 daqiiqo kadib ayuu ii yimid waxaana isu raacnay hoygiisa oo aan islahaa martiqaad wacan buu kuu sameeyay, waxaan nimid guri si wayn loo xardhay oo quruxdiisa aad isleedahay haka dhex bixin

Markii aan iridka ee guriga soo dhaafay ayuu iri “Soo Dhawoow qalanjo, guriga waa gurigaaga waxaana tahay marwadii guriga” iyo hadallo kale oo macaan ayuu igu soo dhaweeyay. Aniguna mahadsanid ayaan si dabacsan ku iri.

Qol Fadhi ah oo si wayn loo sharaxay ayuu I kaanay wuxuuna shiday TV-ga oo ku tuuray Cajal heeso ah durbadiiba waxay ku bilaabatay hees aan in badan jeclahay oo aan miraheeda ka fahmay in gabar lagu ammaanayo fanaankana maba xasuusto, wax yar kadibna Cabitaan qabow iyo cunno fudud ayaa la isoo hoos dhigay.

Ninkiina kama daalayo hadallada jilicsan ee isku dayayo inuu igu soo xerro galliyo aniguna waanba xishoonayaa oo hadalka lama sii wadi Karin, Hubaashii waan aaminay ninkaas ismana laheen wuu kugu xad gudbayaa.

Cabitaankii ayaa la ii keenay ayaan mar kabaday mise waa cambe oo aan aad u jeclahay, waxaan u cabay sida qof ka baqaya in laga dhameesto laba daqiiqo kadib waxaan iska dareemay caajis iyo hurdo mise waa ila tagtay hurdadii.

Ma hubbo intaan suuxsanaa balse waxaan ku qiyaasayaa 40 daqiiqo waxaana soo toosay anigoo jiifo qolkii jiifka oo wata dharkii hurdada katabaanka waxaa iiga muuqday dharkaygii aad baan u naxay waana is day dayay waxaaba cajaradeyda ( Bowdyahayga) ka dareemay Qoyaan aad baan u sii naxay, iyo gudaha xubinteyda taranka oo aan wax ka dareemay.

Anigoo naxsan ayaa waxaa qolkii soo galay ninkii oo isna Shukumaan hoosta ugu xiranyahay waa iga dhaadhici waayeen waxa dhacay inkastoo ay xaqiiqo tahay hadana waan aamini waayay, isagoo dhoola cadeenaya ayuu I yiri gacaliso aad baad u macaantahay qadada Cashada waa diyaar ee isa soo diyaari intuu igu yiri ayuu iga laabtay.

Indhahayga waxaa markiiba ka soo daatay ilin qalbiga ayaana ka ooynaayay dharkayga ayaan katabaanka ka laacay anigoo u jawaabin ayaan galay qolkii fadhiga oo ka soo horjeeday qofla aan ka soo baxay ee jiifka.

Musqusha ayaan galay wajiga ayaan iska soo dhaqay waxaana si dag daga iskugu dayay inaan guriga uga baxo mise waa kan oo ileh macaaneey ila cuntee intaadan bixin aniguna madaxa ayaa I kacsanaa Hadalkana dhuunteyda wuu soo dhaafi la’yahay xanaaq dartii anigoon u jawaabin ayaan ka baxay gurigiisa.

Durbadiiba Taksi (Taxi) ayaan helay oo aan Gurigayga u raacay, way jirtaa marar badan oo gurigayga iga soo raadin jiray aniguna waan burin jiray anigoo aflagaadeenaya ,wixii markaa ka dambeeyay lambarkayga waan badashay nin dambana lama sheekaysan waxaana niyaddeyda ka dhaadhiciyay inay raga dhan isu mid yihiin. goolkana wuxuu dhashay markii aan miyir belay haddaan miyir lahaan lahaa sida tan ma dhacdeen.

Waxaa Qoray 
Maxamed Cali Aadan














Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment