Bulsha:- Dowlada Federaalka Somaliya ayaa loogu baaqay inay dib uga fekerto dhibaatada Soomaalida ku heysata dalka Sacuudiga oo dhawaan iclaamiyay in ajaaniibta aan sharciga heysan ka musaafurin doonaan dalkooda.
Ex Xildhibaan Cabdullaahi Raage Xuseen oo ka hadlay dhibaatada heysata Soomaalida ku nool Sacuudiga ayaa sheegay in dowlada Federaalka laga doonaayo inay il gaara ku eegto Soomaalida ku dhaqan Sacuudiga.
Cabdullaahi, waxa uu tilmaamay inay jiraan dhibaatooyin dhowr ah oo heysta Soomaalida Sacuudiga kuwaa oo uu cadeeyay in xiligaan ay u baahan yihiin dowlada Somalia.
Waxa uu Cabdullaahi sheegay in dhibaato farabadan lagu hayo Soomaalida kuwaa oo uu carab dhabay in loola dhaqmo si fool-xun, balse dowlada Federaalka ay iska indha tireyso xaqiiqda jirta.
Ex Xildhibaan Cabdullaahi ayaa sheegay in si sharciga ka baxsan ay Sacuudiyaanka ula dhaqmaan Soomaalida waxa uuna dowlada Federaalka ugu baaqay inay ka shaqeyso sida Soomaalida ku nool dalkaasi ay dib ugu soo celin laheyd dalkooda.
Ex Xildhibaan Cabdullaahi Raage Xuseen aya ugu baaqay Madaxda ugu sareysa dalka in ay la yimaadan qorsho dib loogu daad gureynayo muwaadiniinta Soomliyeed ee ku sugan Gudaha dalkaas gaar ahaan kuwa aan awoodin ku laabashada dalkooda Hooyo.

”Dowlada waxaa laga doonayaa inay dhageysato codka dadka ku nool Sacuudiga, waxaan cadeyneynaa inay jiraan dhibaatooyin farabadan oo lagu hayo Soomaalida, dowlada ayaa laga doonayaa inay ogaato waxa ay yihiin dhibaatooyinkaasi”
Dhinaca kale, dadka shacabka ah ee ku dhaqan Sacuudiga ayuu ugu baaqay inay ka fiirsadaan ku noolan shiyaha dalkaas oo uu sheegay inay tahay mid khatar leh.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment