Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa u magacaabay la taliye sare ee dhinaca Siyaasadda ah guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Wareegto uu saarey Madaxweyne Farmaajo ayaa ku daray Tarsan oo ka mid ahaa musharaxiintii tartanka Madaxweynaha Soomaaliya ee bishii Febraayo ee sanadkan liiska taliyaashiisa.
Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo si weyn uga soo horjeeday dowladii hore ee Xasan Sheekh Maxamud madaxweynaha ka ahaa ayaan ka soo muuqan saaxada siyaasada dalka tan iyo markii la dhisay dowlada uu haatan ra’iisal wasaaraha ka yahay Xasan Cali Kheyre.
Lama oga illaa iyo hadda inuu aqbali doono Maxamuud Axmed Nuur Tarsan xilkan loo magacaabay waxana lagu xasuustaa guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Tarsan inuu diiday ka mid noqoshada gole wasiir oo hore loogu magacaabay in uu noqday wasiir ku xigeen.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment