Bulsha:- Filimka Student Of The Year 2 waxaa horey shaaca looga qaaday inuu Tiger Shroff hogaamin doono sidoo kalena Karan Johar ayaa soo saare ka ah filimkan.
Waxaa horey la isla dhex maraayay in Sara Ali Khan oo ah gabadha uu dhalay Saif Ali Khan Filimka Student Of The Year 2 hogaamiye ka noqon doonto balse sheekadaas wax kama jiraan ayay noqotay.
Haatana waxaa daaha laga rogay ruug cadaa Chunky Panday gabadhiisa Ananya Panday filimka Student Of The Year 2 atirisho kowaad looga dhigay.
Sidoo kale atirishada Tara Sutaria ayaa lagu soo duray filimkaan waxaana duubis lagu bilaabi doonaa dhawaan si rasmi ah filimka Student Of The Year 2.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment