Ugu horeyn waxaan u mahad celinayaa bahda webka Heegan24.net kuwaasoo ii suura geliyay in aan soo gudbiyo dareenkeyga gaarka ah iyo qiso nolosheyda quseysa taasoo aan ila iyo haatan u weysanahay xal iguna abuurtay wareer fara badan.
Qisadana ayaana ah in aan ku dhex jiro arin qalbigeyga murugo ku reebtaytaasoo ah in aan jeclahay mudo 4 sano ku dhawaad ah wiil ay dhashay habaryarteey, dhowr mar ayuu iga soo doontay aabahey, balse aabe ayaa ku gacan seyray waxa uuna mar walba igu yiraahdaa wiilkaan kuguma haboona kuumana qalmo, In badan waan dulqaatay waana aqbalay talada waalidkey oo waa la baajiyay arinkii soo doonashada balse anigu kama rajo dhigin in aan wiilkaas xaaskiisa noqdo oo aan mar uun nolol wadaagno waxa aana marwalab ku dadaali jiray in aan aabahey ku qanciyo siduuu ku aqbali lahaa wiilkaas.
Balse nasiib darro sinaba waan uga dhaadhicin waayay aabahey in uu arinkaas aqbalo taasoo igu abuurtay murugo jaceyl iyo in aanan nasiib u laheyn helista jaceylkeyga, Laakiinse arinka ugu yaabka badan ayaa ah in mardhow uu aabahey iisoo bandhigay in aan guursado wiil ay aqoon fiican isu leeyihiin kaasoo ah ganacsade xoogaa maal leh waxa uu aabe igu yiraahdaa marwalba gabadheydiyeey wiilkani waa qofku kaliya ee kugu haboon waana qofka kaliya ee noloshaada damaanad qaadi karo, mana dareemi doontid dhib iyo rafaad nolol sare oo raaxo leh ayaadna geli doontaa ee wiilkaan ayaan ku siinayaa gabadheydi.

Rintii waan yaabanahay, wax aan sameeyana ma garanayo, shaqsi ahaan ma doonayo in aan aqbalo maxaa yeelay qalbigeygu wuxuu jiraa meel kale, mana aaminsani in uu nin kale nolosheyda u qalmo balse hada maxaan sameeyaa? Dooqa aabaheyd miyaan ku raacaa oo waan aqbalaa ninkaas?
Mise dooqeyga ayaan ku adkeystaa ilaa iyo aabe uu ka ogolaanayo ninka aan jeclahay? Fadlan taladiina igu caawiya, waxaan ku jiraa xaalad wareer badan..! Aqristoow waxii taladaada ah ugu reeb qeebta hoose ee commentarka ama email ahaan noogu soo dir.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment