Filimka Toilet Ek Prem Katha Oo Ganacsi Heer Sare Ah Todobaadkiisa Kowaad Sameeyay

Bulsha:- Super Star Akshay Kumar filimkiisa Toilet Ek Prem Katha ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay todobaadkiisa kowaad waana filim guul weyn gaaray.

Shabakada Boxoffice India waxay xaqiijisay in Toilet Ek Prem Katha uu todobaadkiisa kowaad keenay 94 Crore TRADE Figure) wuxuuna ganacsigaan heerka sare ah sameeyay asigoo maalinta kowaad keenay lacago dhex dhexaad ah 11.50 Crore mana jiro filim lacag sidaas u yar ku bilaawday oo todobaadkiisa kowaad 90 Crore keenay.

Toilet Ek Prem Katha waxaa caawiyay fasixii maalinta xurnimada Hindiya iyo sidoo kale in daawadayaasha ka helen fariintiisa taasi oo sababtay in todobaadkiisa kowaad ganacsi weyn sameeyo.

Toilet Ek Prem Katha Khamiistiisii ugu dambeesay wuxuu keenay 6 Crorewaana lacag adag asigoo ka faa’iideestay fasixii jiray wuxuuna filimkan ku socdaa in todobaadkiisa labaad markale ganacsi adag sameeyo.

Ganacsiga ugu adag filimkaan wuxuu ka sameeyay Delhi iyo UP oo canshuurta marhore laga dhaafay, waana hubaal maal maha nagu soo fool leh inuu ku noqon doono filimka lacagaha ugu badan sanadkaan kasoo xareeyay Delhi/UP waa hadii Baahubali 2 aan tirsiga lagu darin.
Waxaa la yaab ah in Toilet Ek Prem Katha uu 6 Crore ka keeni doono West Bengal taariikhda ma dhicin filim Akshay Kumar wado inuu halkaas ganacsi adag ka sameeyo.

Waa hubaal in Toilet Ek Prem Katha uu dhaafi doono ganacsigii cimri ahaan uu sameeyay filimka Rowdy Rathore sanadii 2012 oo 131 Crore ahaa iyo sidoo kale saamigii kooxda cajaladaha qeybiyeen ka heleen oo ahaa 73 Crore.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment