Bulsha:- SRK iyo Anushka Sharma filimkooda Jab Harry Met Sejal ayaa xalay laga daawaday gudaha UAE waxaana laga daawaday tiyaataro kooban balse maanta ayaa si guud loo daawan doonaa.
Wararka hordhaca waxay sheegayaan in Jab Harry Met Sejal 80% ku furmay xalay sidoo kalena hal saac gudaheeda tiyaataro kooban wuxuu kaga keenay $135,000!
Waxaa la sheegay in xalay dadka badanaa waayeen tikit ay ku daawadaan SRK filimkiisa inta badana ay iska soo laabteen ayagoo niyad jabsan.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in hal tiyaatar oo Dubai ku yaalo in filimka Jab Harry Met Sejal ka keenay 12 Lakh lacgtaas xitaa filimada qaar marka gudaha Hindiya la saaro inay keenaan ayay dhib ku qabaan hal gobol laakiin SRK filimkiisa hal tiyaatar ayuu lacagtaas kasoo xareeyay!
SRK waa safiir Hindiya caalamka u qaabilsan waxaana looga soo dhaweeyaaa filimadiisa si waali ah suuqyada caalamka sida uu filimkaan ku bilaawday xalay gelinka dambe waxay ka dhigan tahay inuu lacago iskoor taariikhi ah ka keeni doono gudaha UAE iyo hareeraha Khaleej-ka.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment