Lydia-Asghedom
Dhuuqmadii iyo istiinkii xoogga badnaa xilligii galmadu, waxay isu rogayaan kuwo fudud oo saxansaxo leh aanna gaarsiisnayn heer ay mar kale kacsan karto.
Isdhexgalkii xoogga ku dhisnaa waxa uu isu beddelayaa is-habsiin jilicsan oo keenta inay haweeneydu dareento in ninkeedu yahay gabbaadin aamin ah oo ay dhaxanta iyo dhibaatada ka gasho.
Halkaasi kolkay arrini marayso ayay madaxeeda shafka ama garabka ka saarataa, jiif iyo nasashana ku gunaanaddaa hawshii cuslayd ee ay qabatay intii shaqada galmada lagu jiray.

Dhallinyarada qaar baa isku daya inay biyabbaxa kadib geedka kusii hayaan haweenkooda oo aanay kala bixin, billaabana istiimin si ay mar kale uga tuurtaan. Qaar kale kolka ay kala baxaan bay misna daqiiqado kadib istiimin iyo dhuuqmo billaabaan si ay u gaaraan isla hadafkaasi.
Haddaba caafimaadku waxa uu ku jiraa, diinteenna Islaamkuna qabtaa in galmada hore kedib geedka ninka biyo kulul lagu mayro, welibana hadday suurtagal tahay la qubaysto ama ugu yaraan la weyseysto, si firfircoonaan iyo looga helo dardar hor leh, markaa kadibna haddii la isku afgarto garoonka la iskula laabto. Waase in biyabbaxa labaadna lagu soo af-jaraa isla gunaanadkii aynu soo sheegnay.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment