Bulsha:- Dhacdooyin taariikhi ah ayaa laga soo wariyay doorashada Kenya ee shalay loo dareeray, iyadoo nin 60 sano jir ah uu geeriyooday, wax yar kaddib markii uu codeeyay, halka Haweeney ay umushay, iyadoo ku jirtay safka codeynta.
Paulina Chemanang oo aheyd xaamilo ayaa xanuun qabtay, xilli ay saf ku jirtay, waxaana ay dareentay inay fool heyso.
“Wax xanuun ah oo fool ah ma dareemeyn, hadana si dhaqse ah ayuu xanuunka ii qabtay, markii aan halkan imaanayay xanuun fool ah ima heyn tan iyo shalay”ayay tiri Paulina oo la hadleysay Idaacada maxaliga ee Capital FM.
Hase ahaate wax yar kaddib markii ay saf u gashay inay codeyso, waxaa qabtay xanuun, iyadoo ay u gurmadeen dadkii safka kula jiray, iyadoo diiday inay goob caafimaad la geeyo, waana umushat.
Paulina ayaa si caadi ah u umushay, iyadoo dhashay gabar, waxaase layaab laheyd, markii ay dhashay kaddib inay codkeeda dhiibata.
“Hada waa faraxsanahay, maxaa yeelay waa dhalay, waana codeeyay, farxad ayay ii aheyd inaan ku dhalo xarunta cod bixinta, Ilaah ayaa u mahad celiyay”ayay tiri.

Doorashada guud ee dalka Kenya ayaa waxaa codeeyay tiradii ugu badneyd, waxaana la arkayay dadka oo safaf dhaadheer ugu jiray, si ay codkooda u dhiibtaan, waxaa doorashada ku tartamayay Madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment