Bulsha:- Ciidanka Booliska Spain, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii toogasho ku dilay nin dhalinyaro ah, oo si dhow loola xiriirinayay in uu ka dambeeyay weerarkii Khamiistii ka dhacay Magaalada Barcelona.
Weerarkan oo gaari loo adeegsaday, ayaa ka dhacay goobta dalxiiska caanka ku ah ee Las Ramblas, waxaana ku dhintay 14 ruux, halka 120 kalena ay ku dhaawacantay. 9 ka mid ah dadka dhaawacmay waxaa la sheegay inay xaaladoodu garaab tahay.
Booliska Spain, ayaa Younes Abouyaaqoub ku toogtay magaalo yar oo lagu magacaabo Subirats, taa oo 47km dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Barcelona.
Younes Abouyaaqoub oo 22 jir ahaa, una dhashay dalka Morocco, ayaa waxay Saraakiisha Boolisku sheegeen in uu ku cararay beer saaran laamiga, markii uu dhegaha ka fureystay in uu isa soo dhiibo, isla-markaana uu iska furo wax looga shakiyay inuu yahay suunka walxaha qarxa ka samaysan.
Sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska waxaa dib laga ogaaday inaanu ninkaasi xirneyn suunka walyaabaha qarxa ka samaysan, hase yeeshee uu iska dhigayay sida nin xiran suunka qarxa.
Haweeney, ayaa hay’adaha amniga ku wargelisay inay aragtay nin ku dhuumanaya agagaarka kaalin shidaalka lagu iibiyo, isla-markaana uu u muuqday mid qof kale u foorinayay. Ninkaasi ayaana noqday Younes Abouyaaqoub oo afartii cisho ee la soo dhaafay baxsad ahaa.

Boolisku waxay sheegeen inay dhinteen 8 nin oo la tuhunsanaa inay soo weerarkaasi soo qorsheeyen, weeraro kalena ay damacsanaayen inay fuliyan. Mid ka mida raggaasi waxaa la sheegay inuu ahaa Imaam loo maleynayo in dhalinyaradaasi uu xagjireeyay, waxaana uu ku dhintay qarax Arbacadii ka dhacay Magaalada Alcanar. Sidoo kale waxaa jira afar nin oo raggaasi lala xiriirinayo oo hadda ku jira gacanta laamaha ammaanka.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment