Bulsha:- Masjidka Daaruf Faaruuq oo ku yaala magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota ayaa waxaa gaaray ciidamada faro badan kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay Bam lagu weeraray.
Gaar ahaan Bamkan ayaa ku dhacay xafiiska ama xarunta Sheekh Waliid oo ah Imaamka masjidka, hasse ahaatee lama sheegin cid wax ku noqotay.
Ciidamada ayaa baaritaan dheeraad ah ku haya Bamka lagu weeraray masjidka iyo sida uu dhacay, ilaa iyo haddana ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha amniga ka soo saareen weerarkan Bambaano.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment