Boqorka Sucuudiga oo ku dhowaaqay Tallaabo Farxad leh oo Lama Filaan ku Noqotay Shacabka iyo Dawlada Qadar

Bulsha:-  Qoraal kasoo baxay Xafiiska Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa maanta oo khamiis ah lagu sheegay in la furi doono xaduuda u dhaxeysa Boqortooyada Sacuudiga iyo Qatar si xujayda reer Qatar si fudud ugu soo galaan dalka Sacuudiga.

Warbaahinta Sacuudiga oo saaka baahiyey qoraalka kasoo baxay xafiiska Salmaan ayaa lagu sheegay in Boqorka Sacuudiga uu sanadkan bixin doono dhamaan waxa kharash ah oo ku baxaya Xujayda ah muwaadiniinta reer Qatar.

Wuxuu sidoo kale Boqor Salmaan uu diyaaradahiisa khaaska ah u diri doonaan magaalada Doxa si ay halkaasi uga soo qaadaan Xujayda reer Qatar, ayaa lagu yiri qoraalkan.

Waa markii ugu horeysay ee uu Sacuudiga furo xaduuda dhulka ee uu la wadaago dalka Qatar tan iyo intii ay xayiraada kusoo rogeen Qatar bishii June.

Xujayda reer Qatar ayaa loo furi doonaa xaduuda looyaqaan SALWA umana baahna muwaadiniinta Qatar wax fiiso ah.

Dowlada Qatar ayaa horey cabasho uga keentay xayiraada xulafada Sacuudiga ay dalkooda saareen oo sheegeen in sidoo kale ay saameyn ku yeelan doonto Xujayda reer Qatar, Xukuumada Doxa ayaa ku eedaysay Sacuudiga inuu siyaasadeeyey cibaadada Xajka ee sanadkan.
Go’ aanka Salmaan ayaa u muuqda in looga jawaabayo eedeynta uga timid Doxa, balse dowlada Qatar ayaan weli ka hadlin go’ aankan maanta kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment