1. Cuntooyinka ha ka boodin. Maalinta ku billaabo quraac caafimaad leh. Cunidda ugu yaraan 3 cunto maalin kasta waxay jidhkaaga ka caawinaysaa inuu helo tamarta uu u baahan yahay waxayna kaa celinaysaa baahida.
2. Xakamee cabbirka qaybtaada. Isticmaal saxan yar isla markaana qaado xaddiyo yar oo cuntooyin kala duwan ah. Ha labeysan cuntada.
3. Cun markaad gaajooto. Ka fogow in aad cunto u cunto in aad isku dejiso, ama in aad caajistay ama diiqootay awgeed. Soco ama wax aad ku raaxaysato samee.
4. Qor cuntada aad cunto oo dhan. Ku soo dar nooca cuntada, xaddiga iyo waqtiga aad cuntay. Tani waxay kaa caawinaysaa in aad noqoto mid aad ula socda si markaas aad u awooddid in aad si fiican u maareyso cunto cunkaaga.
5. Jir dhis samee. Ka soo hubi takhtarkaaga ka hor inta aadan billaabin jir dhis joogto ah. Noqo mid aad u fir-fircoon adigoo jaranjarada qaadanaya ama baabuurkaaga meel fog soo dhiganaya. U qasad in aad jir-dhis sameyso 1 saac maalin walba, ugu yaraan 5 maalmood toddobaadkii adigoo sameynaya hawlaha sida socosho, bushkuleeti fuulid, dabbaalasho, orod iyo meel sare fuulid. Fasallada lagu barto jir-dhisku way ku caawin karaan.
6. Iska xaddid sonkorta iyo mac-macaannada. Iska xaddid cuntada ay ku jirto sonkorta lagu daray sida mac-macaanka, doonaatka, buskudyada iyo nac-naca. Kuwaani waxay leeyihiin kalooriyo fara badan iyo nafaqo yar. Cabitaannada u isticmaal macaaneeye macmal ah halkii sonkor aad ka isticmaali lahayd ama cab soodhada sonkorta aan lahayn.
7. Biyo cab. Dadka cabba biyo fara badan waxay u badan yihiin in ay lumiyaan miisaan badan. Cab 6 ilaa 8 koob oo biyo ah maalin kasta.

9. Cunto fudud oo caafimaad fiican leh. Ku raaxayso furuto aan la warshadayn, khudrad, ama garoodh fudud oo aan dufan lahayn halkii aad ka cuni lahayd cuntooyin fudud oo la soo baakadeeyey. Qarjawleyaasha dufanku ku yar yahay, siiriyaalka isu wada dhan iyo boorashku cuntooyin fudud oo fiican ayey noqdaan.

11. Noqo dukaan wax ka soo iibsade caqli badan. Cuntooyinka horey u sii qorsheyso. Isticmaal taxane kana fogow dukaan wax ka soo iibsashada markaad aad gaajaysan tahay. Soo iibso furuto, miro wadajira, khudrad, cuntada badda, digaag iyo hilib caato ah. Haddii aad cunto waxyaabaha caanaha laga sameeyo, soo iibso kuwa aan dufan lahayn ama uu ku yar yahay.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment