Yahuuda oo amarkii ugu yaabka badnaa kusoo rogay muslimiinta ku tukada masjidka Al-AQSA

Bulsha:-  Amar ka soo abxay Dowaldda Israil ee xoogga ku haysta magaalada Qudus ayaa lagu sheegay in magaalada qadiimka (old city) ah ee uu ku yaalo Masjidka barakaysan ee al-Aqsa aysan u soo dhawaan karin Muslimiinta da’doodu ka yartahay 50 sano.

Jimcadii hore ayaa saddex nin oo hubeysan ku dileen banaanka hore ee Masjidka laba ka tirsan ciidanka Israil, kahor inta aan iyagana lgu duilin barxadda masjidka.

Maalinkasta oo Jimcae ah waxaa masjidka u soo cibaado tegi jirey dad ku dhaw 10 000 oo qof oo ka kala imaan jirey meelo ka baxsan magaalada Qudus ee yuhuudu haysato.

Bayaan ka soo baxay Boolisla Israil ayaa lagu sheegay in magaalada qadiimka ah iyo Masjidka Aqsa ay imaan karaan ragga da’doodu ka weyn tahay 50 sano, dumarka ayaa lagu sheegay bayaanka in ay imaan karaan da’ kasta oo ay yihiin.

Horey ayaa amar kan lamid ah Israil uga soo saartey cidda ku tukan karta Masjidka, mararkaas ayaa da’da loo oggol yahay marna ku sheegeen 35 marna 40.

Waxaa laga cabsanayaa in ay dhacaan mudaaharaado waaweyn oo rabshado wata, Yuhuuda ayaa keentay magaalada Qudus ciidamo Boolis ah oo dheeraad ah oo gaara 3 000 oo askeri.

Dadka Muslimiinta ah ayaa ka cabsi qaba in Yuhuudu xalaaleysato masjidka al-Aqsa oo dhabarkiisa ay ku leeyihiin derbiga ay barakaystaan, isla amrkaana ay sheegtaan in masjidku ka tirsan yahay muqadasaadkooda.

Masjidka al-Aqsa ayaa ah kan saddexaad ee Masaajida barakaysan, waxaana uu ahaa halka Muslimiinta qiblada u ahayd ka hor inta aan Makka loo wareejin.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment