Wajiga Saddexaad Faa’iido Darrada Siigaysiga?

Bulsha:- Haddii uu shakhsigu caadaystay inuu gacantiisa ku biya-baxo oo sidaas raaxo ku helo, haduu joojin waayo waxay sababtaa, kolkuu guursado in gacanta xabiibtiisa ee jidhkiisa salaaxaysa ku kacsan waayo, ama ka heli waayo mid u dhigma kacsigiisii gacanta.


Siigadu ma buuxin karto xattaa lama tartami karto galmada, maxaa yeelay, waxa keliya ee shaqaynaya waa gacanta iyo xubinta oo maskaxda farriin ka helaya, laakiin galmada waxaa si isku mida oo wadajira u shaqeeya hab dhismeed ka jidhka, hab dhismeed ka dareemada iyo hab dhismeed ka neerfayaasha oo farriin ka helaya maskaxda iyo murqaha. Xattaa si fudud oo mandaq ah oo la fahmi karo, halka guurku uu ka leeyahay istiimin iyo salaaxis, ama dhunkasho iyo hadalo macmacaan, siigadu maleh.


Eegga qofku siigaysanayo wuxuu dareemaa raaxo aan u bixiyey (Raaxo Kumeel gaadh) oo soconaysa qadar xaddidan (1-2) daqiiqo, hadhowna qofku wuu ka qowmameeyaa, wuxuu na ku fekeraa waxyaallo kale oo naftiisa dhibaato u keeni kara.


Xilliga guurka iyo galmada, eegga ninku u tago naagtiisa biyaha ma ceshan karo oo durba wuu biyo-baxaa, wuxuuna ku biyo-baxaa qadar ka yar qadarka qofka caafimaad ka qabaa ku biyo-bixi karo (5-8) daqiiqo, inta badan qofkaasi wuxuu ku biyo-baxaa inta u dhaxaysa (5-1) daqiiqo. Taasina, si degdeg ah waxay u sababtaa in haweentii ay qaado dareen ah niyad-jab iyo rajo-beel, kolka aynigeed ay la sheekeysatana waxayba sii qaadaa welwel iyo walaac; aakhirkana gurigaasi waa dumaa oo waliba ceeb ayaa lagu kala tagaa.


Qofka samaynaya siigada, eegga uu kacsado qalbigiisa ma joogo oo hawo sare ayuu ka fekarayaa, markuu dhammaysto howshiisa ayuu ogaadaa waxa uu sameeyey iyo fool xumida ay leedahay, kolkaas buu xusuustaa dembigeeda aakhiro iyo adduun, kadib ayuu isla hadlaa oo arkaa doqonnimadiisa inuu keligii isku raaxeeyey, maxaa ka nacasnimo badan in aad adigu isku galmootay oo isku raaxaysay?


Dhallinyaro badan waxay aaminsan yihiin in xubinta taran ka ay ku weynaato, cilmi baadhis iyo daraasado lagu sameeyey waxey xaqiijiyeen inuu ku yaraado dhumuc iyo dhererba oo waliba aad u jilco.

Dhibaatooyin ka siigadu u keento xubinta taranka ninka waxaa kamida kolka haweenta uu u tago oo galmo uu la sameeyo, howshii oo socota inuu iska damo, ama xilliga biyaha uu tuuri lahaa hawlgabo; ciniinnimadaasi waxay caloolyow ku beertaa haweenta oo runtii aad iyo aad uga xanaaqda oo xattaa daraasaddu sheegaysaa inay ka qaadi karto waali.




Qaar badan oo dhallinta ah cabsidaas owgeed waxay isticmaalaan kiniino habeen ka ay xaasaskooda u galmoonayaan, kaasoo ay iskaga dhigaan inay caafimaad qabaan oo dherer iyo dhumuc fiican leeyahay xubintoodu, in kastoo khiyaanadaas haatan la fahmay oo la ogaan karo si fudud haddana, in badan way ku soo caano maaleen, Daraasaddu waxay sidoo kale cadeenaysaa in kiniinadaas oo uu ugu horreeyo Feegada, dhibaatooyin hor leh oo caafimaad ka dareemada iyo neerfayaasha mooyaanee, dheeftiisu kumeel gaadh tahay. Aragtidaas si cilmiyyan ah ayaa maadada caafimaadka loogu cadeeyey.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment