Waa Kuma Qofkii Ka Dambeeyay In Suniel Shetty Aqbalo Sameynta Filimka A Gentleman

Bulsha:- Ruug cadaaga Bollywood-ka Suniel Shetty wuu soo rogaal celiyay wuxuuna door xumaan ku matali doonaa filimka A Gentleman oo ay hogaamiyaal ka yihiin Siddharth Malhotra iyo Jacqueline Fernandez.

Athiya Shetty oo ah gabadha uu dhalay Suniel Shetty ayaa sheegtay inay sabab u ahayd in aabaheed aqbalo sameynta filimka A Gentleman waxayna tiri “Aniga ayaa ka dambeeyay in aabo aqbalo sameynta A Gentleman, waayo waan u xiisay inaan shaashadaha ku arko”

“Raj iyo DK filim sameeyayaal wanaagsan marka ay aabo kala hadleyn sameynta A Gentleman si dhaqsi ah kuma aqbalin wuxuuna u sheegay inuu jawaab xili dambe siin doono”

“Aniga ayaa aabo la hadlay waxaana u sheegay inuu sameynta A Gentleman aqbalo kuna soo laabto shaashadaha wuuna iqbalay, hadana siweyn ayaan u sugaa daawashada filimkaan”

A Gentleman waxaa la daawan doona 25-ka bisha August ee nagu soo fool leh waana Action, qayaano iyo jaceyl isku jiro ah.

Dhinaca kale Athiya Shetty ayaa ka dhawaajisay inay ugu jeceshay filim ahaan Hera Pheri halka heesaha ay xiiseyso ay yihiin Hai Hukku iyo Sheher Ki Ladki oo muuqaal abaaheed sameeyay.

Athiya Shetty ayaa sheegtay in maalmo ka hor ka qayb gashay bandhig TV-yada laga daawado ayadoo filimkeeda Mubarakan xayeysiis u sameeneyso goobta ay atirishada Raveena isku arkeen kuna wada cayaareen masraxa heeska hirgalay Sheher Ki Ladki.

Raveena ayaa Athiya u sheegtay marka heeskan iyada iyo Suniel wada sameenayaan ay ahayd caruur aad u yar qayaas ahaana ay jirtay sedex ilaa afar sano.

Fadlan hoos ka daawo heesaha 90-maadkii Hit-ka noqdeen ee Athiya Shetty aadka u jeceshahay aaabaheedna sameeyay:











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment