Bulsha:- Waxaa mudo 26-sano kadib ah dib loo Howl geliyey Xarunta Xidhiidhka shaqaalaha Soomaaliyeed oo Laga dhisay Degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.
Waxaa arinta door wayn ka qaatay Dhismaheeda Dawlada Turkiga oo garab taagan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana Munaasibadii lagu daah furayey kasoo qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Sidoo kale Turkiga ayaa Balan qaaday inuu dhowaan Bilaaban doono Dhismaha Xurnta Baarlamaanka, Kaasi oo noqon doona mid u Qalma Baarlamaanka Soomaaliya, Waxaana Dawladaha kale loogu baaqay inay wax ka bartaan sida Turkigu u garab istaagay Soomaaliya waxna uga qabtay.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment