Sideed Waxyaabood Oo Ay Dumarku Sameeyaan Oo Caafimaad Xumo Ku Rida

Bulsha:- Caafimaadka dumarka iyo ragga ayaa siyaabo kala duwan wuxuu ugu xiran yahay hab dhaqanka nolaleed ee labadaasi jinsi, waxaana jira waxyaabo badan oo qayb ka qaata caafimaad xumada hadii aan loo helin xal lagaga waantoobo hab dhaqanka iyo dabeecada qofnimo.

Daraasad cusub oo ay soo saareen kooxo quburo dhanka caafimaadka ah ayay ku cadeeyeen ku dhawaad 8 qodob oo kaalin mug leh ka qaata caafimaad darada haweenka la soo gudboonada, kuwaasi oo saameyn ku yeesha heerkooda caafimaad qab.


Xirashada kabo qoobab dhaadheer:

Haween badan ayey caado u tahay inay ku labistaan kabo taako dheer ama qoob dheer xaga dambe ku leh, kuwaasi oo ay u qaataan ha dhisto haykalkaaga qurux, hana u qaado sare habmaamuskaaga labis, taasi waxay ku tahay haweenka hub ay u wataan caafimaadkooda.

Daraasado waxay leedahay haweenka caadada ka dhigta inay kabo qoobab dheer lugaha gashada ay la soo daristo halis caafimaad xumo, gaar ahaan kuwa maalin kasta qoobka ku riixa kabo taako dheer xaga dambe ku leh.

Kabaha ciribta dheer waxay daraasadu xustey inay saameyn ku leedahay toosnaanta qofeed, isla markaana ay cadaadis ba’an ku sameyso kala goysyada xubnaha ama lafaha halka ay isagu yimaadaan.

Waxay kaloo keenaan xanuuno ku dhaca lafaha faraha,suul qalooc, dhabar xanuun, dhaawac gaara faylaha lugaha & waliba hab socodka qofeed taasi oo keenta in taag taagsashada badani ay keento lafo xanuun.

Daraasadu waxay ku talisay in ay haboon tahay in haweenku ay xakameeyaan ama yareeyaan xirashada kabaha cirbaha dhaadheer, iyadoo hadii lagama maarmaan ay noqoto ay tahay in cabirkoodu aanu ka dheeraan 1.5 inches, waana kabaha maalin kasta la qaato, iyadoo kuwaasi ay hoos u dhigi karaa cadaadiska ku imaan kara kala goysyada xubnaha.


Qaadashada Boorsada gacanta oo culus:

Haween badan ayay la tahay inay labis ka aradan yihiin oo ay murug-maarug leeyihiin hadii aanay boorso gacanta ku qabsan, waxaana jirta aaminaad ay haweenku aamisan yihiin in labiskoodu wax ka dhiman yahay hadii boorso aanay la helin gacanta, laakiin daraasadan waxay ka digtey in haweenku ay garabka u ritaan boorso culus.

Boorsada culus ee haweenaydu maalin kasta garbaha ku qaato hadii ay tahay mid culus waxaa la sheegay in caafimaad xumo ku keeni karto murqaha gacanta & waliba garbaha, iyadoo la leeyahay caafimaad xumo soo raagta ayay arintaasi keeni kartaa.

Daraasadaan ay bulsha.com soo turjuntay waxay iftiimisay in boorsooyinka cul-culus ee haweenka dadaamiyaan ay waxyeelo u keeni karo luqunta iyo dhabarka, waxaana ay ku bixisay digniin in haweenaydu aanay sugin inta ay la soo darseyso caafimaad xumo, iyadoo looga baahan yahay haweenka inay ka bixiyaan boorsooyinka waxyaabaha aan muhiimka u aheyn ee culeyska keeni kara.


Ku seexashada waxyaabaha la isku qurxiyo.

Haween badan ayaa waxyaabo badan oo bilicdooda billa isku qurxiyo kuwaasi oo ay ka mid tahay wajiga oo lagu subko waxyaabo iftiimiya, dhaldhaaliya ama sare u qaada nuurkiisa waana waxa loo yaqaan (Make up).

Laakiin in waxyaabahaasi wajiga ama jirkiisa intiisa lagu qurxiyo oo habeenkii lagu seexdo iyadoo aan la iska masaxin ama laga qubaysan waxay daraasadu leedahay halis caafimaad daro ayay leedahay.

Daraasadu waxay leedahay waxay keeni kartaa in jirka gaar ahaan wajigu uu yeesho nabaro yar yar oo ka soo yaaca, wajiga oo haaro yeesha, jirka indhaha ku gadaaman oo infection ama caabuq ku dhasho gaar ahaan hadii lagu seexdo waxyaabaha la mariyo suniyaha indhaha sida Indha kuusha iyo make up-ka kale.


 Xirashada Hoorado habeeye (Rajistiin) aan cabir laheyn

Haweenka qaarkod haba noqdaan badankood waxay u tahay qayb ka mid ah labiskooda iyo is-caymis in ay xirtaan Horaadio asture/celiye ama waxa loo yaqaan Rajistiin/Rajabeeto, laakiin daraasadan waxay leedahay iyadoo haweenka 70% ay xirtaan Rajistiin ama Horaado asture waxay keeni kartaa halis dhanka caafimaadka ah hadii haweenaydu isku caymiso rajistiin aan cabirkeeda aheyn.

Daraasadu waxay farta ku goday in horaado asture(Rajistiin) aan cabir laheyn oo haweenayadu ay isku giijiso uu keeno arimo ay ka mid yihiin, dhabar, qoor iyo naaso xanuun iyadoo sidoo kale ay keento dhibaato xaga neefshada ah, cun cun jirka ah, cadaadis ku dhaca socodka dhiiga ee jirka & arimo kale oo la xiriira saameyn ku timaada hab dhiska horaadaha haweenayda.

Daraaasadu waxay leedahay ma ahan oo kaliya in xirashada horaado asture aan cabir laheyn uu sameyn ku yeesho habka labiska haweenka ee halista caafimaad ee kor ku xusan ayaa ah mid dareenkeeda leh, waxaana ay ku taliyeen in haweenaydu hadii ay xiranayso horaado habeeye ay tahay in cabirka buuraha xabadkeeda ay ka fakarto oo ay eegato mid cabir ahaan le’eg, halkii ay ciriiri iyo iscaymis isugu dhaqaaqi lahaayeen.


Wel-walka & qoomamaynta.

Daraasadu waxay kaloo xustey in wel-welka iyo safrinta qoomameynta ay u keento haweenka cuduro kala duwan oo ay ka mid tahay Stress-ka iyadoo dhibaato xaga caafimaadka maskax ahaan iyo jir ahaan u soo jiidaysa, taasina waxay dhalisaa in haweenka ay arintan saameyso uu ku dhaco cudurka depression-ka ama isku-buuqa.

Daraasadu waxay daboolka ka qaaday in laba jibaar haweenka ay uga badan yihiin ragga falalka qoomameynta gaar ahaan marka ay timaado burburka ku dhaca xiriirka lamaanaha.



Qaabka dhismeeka jireed & muuqaalka qofnimo.

Inkastoo nafsi ahaan ay labada jinsi ee Labka iyo dhediga ay saameyn ku yeelato muuqaalka qofnimo oo kalsooni badan aan lagu qabin sida baruur xad-dhaaf aha oo aad aamisan tahay inay ku saran tahay ama caato aad la tiicayso, hadana daraasadu waxay leedahay haweenku waxay aad uga badan yihiin ragga ka walwalka muqaal gaar ahaan jirka taasi oo walaaca ay dhaliso saameyn ku yeelan karto caafimaadka.

Daraasadu waxay xustey in haweenka jir ahaan aan buurneyn ay aaminsan yihiin 16% in ay buuran yihiin taas oo ah mid saameyn ku yeelan karta isku kalsoonanta qofka.

Baaritaan gaar ah oo ay sameysay shirkada Dove ee sameysa waxyaabaha la isku carfiyo, & kuwa jirka lagu nadiifiyo ayaa sheegtey in 90% haweenka ay wareysiyada ka qaadeen ay qabaan in ay wax uun ka badalaan hab muuqaalkooda, haba ahaatee hal tilaabo, arintaasi oo la sheegay in ay u keento haweenka inay cunto cunida yareeyaan, ama ay ku dhacaan waxyaabo khayral caadi ah oo la xiriira habka cunto qaadashada tiiyoo ay u sii dheertahay qaliimo dhanka jirka ah oo ay doortaan.


Cunto xumada.

Xiliyada qofka aadanaha uu dareemayo walwalka, xanuun,xaalad qalafsan oo salka ku haysa walbahaar waxaa hoos u dhac ku yimaada heerka cunto qaadasho ee qofka, balse daraasadani waxay ku nuuxnuuxsatey in raggu uga firfircoon yihiin haweenka cunitaanka xiliyada dareenka leh, iyadoo haweenku aanay ku qabin furfurnaan cunto, waxaana daraasadu kula talisay haweenka in ay haboon tahay inay sameeyaan xiliyadaasi waxyaabo ay ka qaadi karaan caajis ka bax ama ku dareemi karaan wax uun farxad ah oo dhiirigalin karta u hamuun qabka cunto cunida.


Hurdo dhameystiran la’aanta.

Hurdo dhameystiran oo qofka bini’aadamka ah uu helaa waxay qayb weyn ka tahay caafimaadka, hadaba hurdo yarida ama mid aan dhameystireyn ayaa caafimaado xumada haweenka la soo dirista ka mid ah.

Cilmi baaris arinkan la xiriirta oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in haweenku uga nugul yihiin ragga cudurkada ka dhasha hurdo yarida, iyadoo haweenka u keenta xanuuno ay ka mid yihiin wadno xunuun, u dhawaanshaha shilalka iyo hoos u dhac ku yimaada socodka ama wareega dhiiga.

Cilmibaaris arinkan la xiriira oo ay si gaar ah u sameysay Jaamacada University of Michigan ee dalka Mareykanka ku taal ayaa waxay ku ogaatey in cudurada ka dhasha hurdo yarida ama la’aanta hurdo dhameystiran ay haweenku uga badan yihiin ragga.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment