Bulsha:- Ciidamada amaanka Puntland, ayaa gacanta ku dhigay 14 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo doonayay inay aadaan buulayada Galgala.
Xubnahan la qabtay ayaa laamaha amnigu ay sheegen in lagu qabtay hawlgal ka dhacay duleedka magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
Waxaa loo dhaadhiciyay xabsiga Garowe, waxaana ku socda baaritaano Xoog leh oo ku aadan halka ay u socdeen iyo ujeedada safarkooda.
Arrintan ayaa waxaay kuso beegmaysa hawlgalka lagu qabtay xilli ciidamada Puntland ay hawlgalo ka wadaan Buuralayda Galgala.
Si kastaba ha ahate, Puntland ayaa dagaal adag kula jirta Kooxaha Shabaab iyo Daacish, waxaana Wasiirka amniga Puntland uu sheegay inay soo afjarayaan Kooxahaas.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment