Raga iyo dumarka yaa kacsi fudud?

Bulsha:- Kacsi la’aanta (Himad la’aantu) waxaa loo aaneeyaa inuu sababo burburka qoysas badan, wuxuuna si gaar ah dhibkiisu u soo shaac baxaa marka da’da ragga ay sii waynaato. Waxaa lagu qiyaasaa inuu dhibkaan saameeyo kala bar ragga da’doodu u dhaxeyso 40-70 sano. Lambarkaasi wuxuu noqdaa 70% markii 70 sano kor loo dhaafo. Waxaa kaloo lo ogaaday in 90% raga qaba dhibkan aysan raadsan wax daawo ah iyagoo dhibkooda iska qarsada.

Mararka qaarkoodwaxay u dhacdaa si ku meelgaar ah waxaana loo aaneeyaa daalka, murugada, walwalka & walbahaarka. Hase yeeshee waxaa dhici karta inuu noqdo cilad joogto ah ama soo noqnoqota. Waxaa sababi karo dhawr arimood waxaase ugu badan marka xididada dhiiga u qaada xubinta galmada raga ay wax qaadkoodu hoos u dhacdo ama ay ciriiri noqdaan. Waxay u badan tahay raga qaab nololeedkoodu ay liidato sida kuwa cunada xun, khamriga badsada ama sigaarka caba.

Waxaa kaloo keeni kara daawooyin loo qaato in lagu daweeyo cudurada qaarkood. Haddii dhibkaan aad isku aragtid waxaad u baahan tahay inaad u tagtid dhakhtar si laguu baaro ama lagaaga daaweeyo waxa keenay. Ogow dhibkan wuxuu noqon karaa calaamad cudur sida sonkorowga, dufanka dhiiga (Cholesterol) oo badata ama dhiig-karka.
Daaweynta



Daawooyinka casriga ah ee lagu daaweeyo waxaa ka mid ah Viagra, Cialis iyo Levitra, waxaana loo sameeyay iyagoo kala awood duwan. Waxaa haboon inaad ku bilowdid kan ugu awooda yar. Si daawada waxtarkeeda loo arko waa in dareenkaaga la kiciyaa ama aad sameysaan hawshii ka horaysay galmada.
Hoos ka eeg siday u kala duwan yihiin

1 saac25 daqiiqo ilaa 1 saacUgu yaraan 30 daqiiqo Saameynteedu waxay jiraysaa4 saacadood12 saacadood36 saacadood QiimahaKa jabanKa jabanKa qaalisan

Waxaad dalban kartaa sadexda noocba adigoo tijaabinaya midka ugu waxtarka badan ama adiga ku anfacaya, hase yeeshee isku mar ha qaadan daawooyin kala nooc ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment