MUUQAAL: Wasiir Yuusuf Garaad iyo Wasiir Aamina Maxamed oo NAIROBI Kulan ku yeeshay iyo waxa laga hadlay

Bulsha:- Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda F. Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad ayaa galabta magaalada Nairobi kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Kenya Amina Maxamed. iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.


Shir Jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen labada wasiir kulanka kaddib ayeey ku sheegeen in shirkooda uu dabasocday heshiiskii labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay Nairobi ku gaareen bishii Marso ee sanadkan, kaasoo ku saabsanaa, socdaalka, ganacsiga, isu furidda xuduudda labada dal iyo arrimo kale.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkeenna Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad ayaa sheegay in guddi labada dal ah ay ka shaqeyndoonaan dhaqangelinta heshiiski labada madaxweyne, wuxuuna intaasi ku daray in labada dalba ay isku aragti ka yihiin hirgelinta heshiiskaasi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment