Maxaa sababa tabardarida galmada (kacsiga dumarka)

Bulsha:- Maxaa sababa tabardarida xaga galmada (kacsiga) ee soo wajahda dumarka?

Tabardarida soo wajahda dumarka xiliga galmada ee afka qalaadna lagu magacaabo (sexual dysfunction) ayaa waxaa lagu qeexa dhibaato soo wajahda xiliga isu taga jinsiga taas oo alaaba lala xiriiriyo qanaaco la’aan kadhalata isu taga.

Tusaale ahaan culimada amaba dhaqaatiirta jinsiga ayaa waxey sheegaan in illaa 4 heer uu maro isu taga jinsiga taas oo ah, dareemid raaxo marka hore, u bislaasho galmo, kacsi, iyo weliba raali ahaanshiya imaato kadib marka ay dhammaato howsha isu taga taas oo qof walba 2da lamaane ay dareemayaan in ay gareen meel ay u wada hanqaltagayeen oo ah in mid walba uu qanciyay midka kale.

Cilmi baaris lasameeyay ayaa waxey soo jeedisay 43% dumarka iyo 31% ragga in ay so wajahaan culeysyo kaheysta xagga jinsiga, mowducaan ayaa ah mid inta badan dadka ay nacebyihiin in laga hadlo lakiin nasiib wanaag keysaska inta badan ee cuduradaan ayaa ah mid si fudud loo daweyn karo sidaas darteed ayaa waxaa muhim ah in aad lasameysid wada tashi lamaanahaada iyo dhaqtarka cafimaadkaada.

Hadaba maxaa sababa dhibaatooyinkaan?

Asbaabaha sabab cudurkaan ayaa waxaa la’aminsanyahay in ay yihiin laba sabab oo kala ah 1- asbaabo ah fisikaal ( physical causes ) 2- asbaabo ah wal wal laxiriira saykoloji (psychological causes).
asbaabaha fisikaalka ah ( physical causes) sababahaan ayaa ah mid laxiriirta cafimaad iyadoo ay jiraan cuduro si toos ah loola xiriiriyo in ay sabab u yihiin in haweyneydu uu kudhacao cudurkaan tabardaridi xagga galamada iyadoo cuduradaasna ay yihiin sida cudurka kaadi macaanka amaba sokorowga (diabetes) cudurada kudhaca wadnaha ( heart diseases), cudurada kudhaca neerfaha (neurological diseases), isu dheelitir la’aanta hormoonada (hormonal imbalances),cudurada karoonikada ah sida cudurka fashilka kilyaha (kidney failure), iyo cudurka kale ee fashilka beerka ( liver failure ), cabida xad dhaafka ah ee alkolada amaba khamriga, isticmaalka daroogooyinka iyo weliba dhibaato dhinaceedka ay leyihiin qaar katirsan dawooyinka sida (antidepressant drugs) kuwaas oo loo isticmaalo daweynta dadka qaba walaaca ama shooga, dhammaan asbabahaan ay waxey dhaliyaan hoos u dhac kuyimaada damaca xagga galmada.
asbaabaha saykolojiga amaba laxiriira dhimirka ayaa isugu jira asbaabo laxiriira daalka amaba istareeska walaac ( anxiety), walaac ay kaqabto haweneydu galmada, dhibaatooyin xagga xiriirka u dhaxeeya labada qof , welwelka xad dhaafka ah , dareemid ah in haweyneydu dareemto eednaan, amaba welwel kudhacay haweeneyda isu tag galma hore oo ay cabsina ay kaqabto galmada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment