Madaxweynaha oo magacaabay guddiga taakuleynta ciidamada, madaxna looga dhigay shaqsiyaad caan ah

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay xaflad ka dhacday dugsiga tababarka Jen. Kaahiye ugu dhawaaqay guddi qaran oo ka shaqeeya taakuleynta ciidamada.

Munaasabadaan oo ay ka qeybgaleen madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha aqalka sare, wasiirao, xildhibaano iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa waxaa khudbad ka jeediyay madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu baaqay in la taageero ciidamada qalabka sida isagoo tilmaamay in ciidamada har iyo habeen u hegen u yihiin difaaca qaranimada Soomaaliya.

Waxaa kaloo ka hadlay ra’iisul wasaare Kheyre oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay caawa xaqiiqdsadeen wixii ay yihiin madaxda Soomaalliyeed, halkaasi ka jeediyay hadal qiiro xambaarsanaa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale gudigga hadiyad ahaan u siiyay kitaabka quraanka kariimka ah,wuxuuna kula dardaarmay inay dar ilaahay u gutaan masuuliyadda qaran ee loo magacaabay.

Guddiga taakuleynta ciidamada ee madaxweynaha magacaabay ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Jen. Jaamac Maxamed Qaalib halka kuxigeenna uu u magacaabay SHeekh Nuur Baaruud Gurxan.
Intii ay xafladaas socotay ayaa dadkii kasoo qeybgalay ay ugu deeqeen ciidamada deeq lacageed, waxaana lacagtii ugu badneyd dadkii ku yaboohay ka mid ahaa Guddoomiyeha gobolka Banadir Tabait Cabdi oo sheegay in Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ay ku yabooheen lacag dhan 8-kun oo doolar iyo xildhibaanad Canab oo kun dollar ugu dabarucday ciidamada.

Munaasabadaan ayaa ujeedadeedu aheyd qorshaha dowladda ay ku damacsan tahay in mushaar joogto ah helaan ciidamada qalabka sida.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment