kacsiga sidee loo kordhiyaa hadduu yaryahay nin iyo naagba?

Bulsha:- Waayaahan dhalinyarada waxay ka cabaadaan kacsi yari ama kacsi la’aan waxaan kula talinaynaa inay raacaan nidaamka raashinka soo socda

marka hore soo qaado koob Malab ah iyo koob barkii Basal la ridqay ah, oo isku kari ilaa iyo inta urta basashu ka ba’ayso, markaa hal macalgo ka qaado raashin kasta dabadii, adigaa wax dareemi doone eh. – Macalgo Xabbat sowdo shiidan ah intaad ku jebiso toddoba xabbo oo ‘Ukun guri’ ah, maalin dhaaf u qaado muddo bil ah, waxaad kala kulantana ha iga qarsan.


– Saddex gabal oo Toon ah dalaq sii raashin kasta dabadii.

– Saddex macalgo oo Saliid Xabbat sowdo saafi ah, ku jebi toddoba xabbo oo Ukun guri ah, kuna dar saddex macalgo oo Malab ah, waxaas oo dhanna makiinad iskula shiid, raashinka dabadiina qaado.

– Macalgo Malab ah ku dar laba garaam oo Sanjabiil ah iyo laba garaam oo Qarfo la shiiday ah, aroor kastana cun intaadan wax kale carrabkaaga saarin.

– Caanaha Lo’da oo saafi ah ku dar laba macalgo oo Sanjabiil shiidan ah, xoogaana dabka isla saar. Hal bakeeri oo weyn ka cab habeenkii hal saac kahor xilliga galmada. Kolkaad Sanjabiilkaa cabtana iska ilaali inaad wax cunto ah ka daba geysid ilaa ay galmadu kasoo gebagebowdo.

– Soo qaado shamaca Malabka (25g), Miski (5g), Cambarka Nibiriga oo dabiici ah (10g), Saliidda Xabbat sowdada (25g) iyo Sokor (5g). Intaad isku wada qastid ku karkari dab deggan ilaa iyo intay si wanaagsan isu dhex dabaalanayaan, midabkooduna ka noqonayo madow xigeen, dareerihiina isu beddelayo cajiin xigeen. Dabeeto intaad dhalo yar ku shubatid, dhig meel aanay carruurtu ka gaari karin. Galab iyo subax ka qaado qaddar aad u yar oo le’eg madaxa kabriidka kuna cab shaah, saddex beri kadibna ii war keen.

– Iniinyaha Karafiska (Gelery), Jarjiirka (Rocket), Fijilka (Radish), Karootada (Carrot), Sanjabiilka iyo Xabbat sowdada, intaad mid waliba (25g) kasoo qaadatid, si wanaagsan u shiid kuna cajiin hal kiilogaraam oo Malab saafi ah, dabeetana macalgo yar raashinka dabadii ka qaado, adigoo weliba badsanaya cabista Canabka iyo Karootada la miiray iyo cunista Ukunta guryaha. Kolkaad



intaa dhammaysana Eebbe idankii amankaag baad arki.

– Soo qaado Ukunta guryaha
oo intaad meel yar ka daloolisid ka daadi xabka cad, daloolkana uga dar Malab. Intaa kedib cajiin bur uga dabool daloolkii yaraa oo foornada xoogaa ku shiil ama weel biyo ku jiraan intaad dhex dhigtid dabka la saar. Dabeeto intaad ukunta soo saartid, waxa ku jira ka cab iyagoo kulul, bil walbana hal usbuuc sidaa yeel, daawo kuuma dhinnee.

– Soo qaado dhowr xabboo Ukun ah, intaad caddaanka ka daadisid, shaharka subag ku shiil, dabeeto intaad Malab dhex dhigtid ku cun Muufo laga dubay bur aan la xashirin. Haddaad subaxdii quraac ka dhigatid ama habeenkii cuntid saacado kahor xilliga galmada, ogow daawo kuuma dhinnee.


FIIRO GAAR AH – Intaad cabi lahayd biyo caadi ah, waxaa lagugula talinayaa cabista biyaha Macdanta ah (Mineral water), hana ahaato cuntada kadib, maxaa yeelay cuntada oo biyaha lagu dhex cabaa dheefshiidka ayay carqaladeysaa.


– Cuntadii horoon shiidmin mid kale ha ka daba geyn, aadna ha u dhergin.



– Adigooy calooshaadu buuxdo isboorti ha cayaarin, kolkaad cayaarta bogatase waxaad doonto cun.



– Ha illaawin iscarfinta iyo naf ka farxinta.



– Ha illaawin akhrinta buugaagta ka hadla la dhaqanka dumarka, dhegeysiga sheekooyinka ay naftu ku raaxaysato rabitaankana kiciya.



– Ha illaawin daawashada quruxda darmaantaada kolkay guriga kolba daaf mushaaxayso, digsi iyo dambiilna hadba dhinac kuula dhaafayso, jirkeedana isu dareensii una sawiro qaybqayb iyo xubinxubin.



– Dumarka aan kuu bannaanayn indhahaaga ka daboolo, Dikriga Alle iyo Cibaadadana badso (Salaadda, Soonka iyo Qur’aan akhriska)





– waxaa lagaa rabaa inaad almiinto samayso oo aamlin kasta xoogaa aad socoto ama aad dhqdhaqaaqdo











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment