Bulsha:- Waxaa bil ka hor la shaaciyay in John Abraham Iyo Tamannaah Bhatia wada saxiixdeen filimka lagu magacaabo Chor Nikal Ke Bhaaga sidoo kale door muhiim ku yeelan lahaa Rajkummar Rao.
Laakiin wararka maanta soo baxaaya ayaa shaaca ka qaaday in John Abraham Iyo Tamannaah Bhatia kawada baxeen filimka ay hori u saxiixdeen ee Chor Nikal Ke Bhaaga.
Kaba soo tag John Abraham Iyo Tamannaah Bhatia waxaa kaloo filimka ka baxay Prerna Arora iyo Arjun N Kapoor oo ka mid ahaa maal giliyaasha filimka Rajkumar Gupta ayaan xaqiijiyay in John Iyo Tamannaah isaga baxeen filimka Chor Nikal Ke Bhaaga Waxaana la ogeyn sababta John Iyo Tamannaah hal mar isaga baxeen filimkaan.
Qorshaha ayaa ah in filimkaan duubis lagu bilaabo bisha October ee sanadkaan waxaan la sheegay in john Abraham booskiisa lagu badali doono jilaaga Kartik Aryan.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment