Hadaad Isku Aragtid Calaamadahan Tobanka ah, Hadad Awoodo Sida ugu Dag-daga Badan U Guurso!


Bulsha:- Jacaylka ayaa la isla wada yaqaan calaamadihiisa, waxaana laga yaaba inla isku wada raacsan yahay, waa sax inay jiraan waxyaabo aan la isku raacsanayni sida xaalada uu ninku jeclaado gabadha,

Balse waxaad si fudud u garan kartaa gabadha uu qalbigaagu doonayo, iyada oo mushkiladu ka taagan tahay sidaad u garan lahayd gabadha aad doonaysid inay xaas kuu noqoto, ubadkaaga hooyo u noqoto, mana aha kaliya gabadha aad jeceshahay.

Hadii uu qof idhaahdo jacaylka iyo guurku ma kala baxi karaan, ayaa halkan waxynu uga cadaynaynaa in calaamadaha jacaylku ay ka muuqan karaan gabadh, balse aanay gabadhaasi ku haboonayn inay xaas kuu noqoto, waxaana jira calaamado badan oo kale, kuwaasi oo aan ahayn kuwa jacaylka loogana baahanyahay inuu ninku dareemo inta aanuu ku dhaqaaqin tallaabada guurka.

Hadaba hadii aad isku aragtid calaamadahan ay Allsiyaasad.com kuusoo gudbinayso, waa inaad gabadha ay kaaga muuqdaan sida ugu dhakhsaha badan u guursataa adigoo waqtiga dhawraya.

1. Marka aad doonto inaad guri la gasho, agteeda joogto 24-ka saacadood oo aad marnaba ka malalain.

2. Marka aad dareentid inaad nolosha wada waajahdaan, aad garabkeeda istaagto isla markaana jeclaato caawimada aad caawinayso.

3. Marka aad jeclaato ciyaarteeda iyo masayrkeeda, aad dareento raganimadaada isla markaana aad marnaba ka xanaaqin cadhadeeda.

4. Marka aad dareentid isu dhawaanshiyo idinka dhaxeeya adiga iyo ehelkeeda, isla markaana aad is tidhaahdid waad ku dhex noolaan kartaa.

5. Marka aad dareentid farxad marka aad la wadaagtid waxyaabaha ay jeceshahay, ay kula wadaagto wax kaste oo aad qabanayso.

6. Marka aad niyaysatid adiga oo la aqal galay iyo adiga oo diyaariyay waxkaste oo ka horeeya arooska iyo waxkaste oo ka dambeeya.

7. Marka aad dareentid raali ahaanshiyo naftaada ah marka aad u hurtid maal iyada awgeed, isla markaana aad wax cidhiidhi ah dareemin.

8. Marka aad doontid in ay hooyo u noqoto ubadkaaga, isla markaana ay noqoto barta ay kasoo burqato farxada iyo raali ahaanshiyaha gurigu.

9. Marka aad dareentid raaxado markastood is tidhaahdid mustaqbalka la wadaag.
10. Marka aad niyaysatid inay noloshaadu isu rogi doonto cadaab hadii ay iyadu meesha ka baxdo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment