gabar lagu xukumay in lakufsado layaab

Bulsha:- Booliska dalka Pakistaan ayaa xidhay 25 oday oo ah caaqilladii tuulo ku taalla duleedka caasimadda, Islamabad, kadib markii lagu eedeeyay in ay gabadh yar oo 16 jir ah, isla markaana aan waxba galabsan, ku xukumeen in la kufsado.

Gabadha la kufsaday iyo waalidkeed ayaa saldhigga Booliska ka dacwooday. Arrintan ayaa dhacday kadib markii, gabadha walaalkeed oo dhallinyaro ahaayi kufsaday gabadh 12 jir ah oo ay daris ahaayeen.  Odayada ayaa arrintaa ka fadhiistay, kadibna waxay amreen in wiilka gabadha kufsaday walaashii la kufsado, waalidkii dhalay ayaana lagu amray inay gabdhahooda mid soo saaraan si loo kufsado. Wiil dhalinyaro ah oo ay gabadhii horey loo kufsaday walaalo yihiin ayaana loo soo saaray halkaana ku kufsaday.

Arrintani ugub kama aha dalka Pakistan, waa caado lagu dhaqmo, ciqaabna looga dhigayo dambiilihii gabadh kufsada in walaashii ama gabadhiisa la kufsado.

Arrinta la yaabka lihi waxay tahay sababta bulsho dhan looga waayay qof garta in waxa la ciqaabayaayi aanu ahayn dambiilihii falka gaystay.  Waxaa kale oo la yaab leh in dalka ay waxani ka dhacayaani yahay dal Islaam ah.




Waxaa arrintan la daalaa dhacaya waxna ka qaban la’ hay’adaha sharciga ee dalka Pakistan,










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment