Fadlan Marka Hore Kacsi Dartii Hawada Ha Galin Hadii Aadan Qaabkaan U Qancin Karin

Bulsha:- Waxa laga yaabaa in rag badani kolka ay biyabbaxaan, u qaataan in hawshii galmadu ay dhammaatay, dabeetana intay dhinaca kale u jeestaan khuuro billaabaan, iyaga oon dheg jalaq u siin dhibaatooyinka uu falkoodaasi u geysanayo haweeneyda.

Hadduu ninku xaaskiisa u tago isagoon rabitaankeeda si wanaagsan u kicin ama isla markuu ka rito dhabarka u jeediyo, dhibaato xoog leh ayaa ka dhalata, natiijadii la filayey mid kadhan ah baana ka timaada, taasi oo ah inuu isagu biyabbaxo oo barbar u dhaco ayadoon kacsiba billaabin ama uu ku bargo’o ayadoon biyabbixin, sidaasina niyaddeeda iyo nafsaddeedu u dhaawacmaan. Bal eega Aayadda Qur’aanka ah:

(Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale). Culimada Qur’aanka fasirta qaar baa Aayaddaasi ku macneeyey: (Ugu raaxeeya haweenkiinna sida aad adinkuba jeceshihiin inay idiinku raaxeeyaan).

Haddaba waxa loo baahan yahay inay biyabbaxa ka dambayso hawl kale oo gunaanad ah, taasi oo ah ugu yaraan salaaxid, iyo istiimin fudud. Waxa loo baahan yahay inuusan ninku ka dul kicin xaaskiisa isla marka uu biyabbaxo, balse uu sugo ilaa iyadu iga kac ka tiraahdo.

Rag badan baa aaminsan in geedkoodu mar hadduu biyaha tuuro balaqna noqdo, aanu wax faa’iida ah u lahayn haweeneyda, kusii hayntiisuna aanay wax micne ah samaynaynin, isagoo mid kamid ah raggaasi uu ku doodo:

(Oo maxay ku falaysaa geed balaq ah?), xaqiiqduse taa ka fog. Raaxada dumarka iyo biyabbaxoodu kuma koobna oo qura rabitaanka cambarkooda, balse waxa ay ku raaxaystaan isku nabnaanta jirka iyo isdhexgalka iyaga iyo raggooda.

Waxa weliba taa kasii ahmiyad badan dareenkooda jacayl iyo dhab ugu jirka raggooda oo ku dhaliya raaxo maskaxeed iyo mid rabitaan, gaarsiisa heer gariir iyo biyabbax. Haddaba geedka oo intuu biyaha tuuro dabeeto damaa haweeneyda ugama dhigna inay galmadii dhammaatay











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment