Erdogan oo cirka kusii shareeray xiisada Khaliijka iyo kiisas lagu helay Sacuudiga iyo Imaaraadka

Bulsha:- Sida uu baahiyay Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Turkiga oo lagu magacaabo Kheybar Dayib, waxaa socda baaritaano hor leh oo lagu xaqiijinaayo xiriirka ay dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka la leeyihiin argagixisada Somalia ee Shabaab.

Sargaalkani ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay garab istaagan tahay dowlada Qadar oo iminka wada baaritaano kaabi kara macluumaad hordhac ah oo ku aadan xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka kala dhexeeya Shabaab.

Waxa uu farta ku goday in guddi laga soo kala xulay Khubarada Sirdoonka Qadar iyo Turkiga ay heleen macluumaad lagu kalsoonaan karo oo muujinaaya in labada dal ay dhaqaale ku bixiyaan Shabaab.

Sargaalkani oo lagu magacaabo Kheybar Dayib ayaa sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay dhaqaale ku bixin jireen dagaalka ay Shabaab kula jirto dowlada Somalia iyo Ciidamada howlgalada AMISOM.

Waxa uu intaa raaciyay Kheybar Dayib in Madaxweynaha Turkiga uu gaaray go’aan lagu meel marinaayo qorsho dhameystiran oo ay wada gaaren Amiirka Qadar.

Erdogan ayuu tilmaamay in awoodiisa ugu badan uu isugu geeyay xoriyad siinta dowlada iyo shacabka Qadar, iyadoo uu ka duulayo caqabadaha lasoo gudboonaaday Qadar.

Sidoo kale, Kheybar Dayib waxa uu carab dhabay in Guddiga laga soo kala xulay labada dal ay si wada jira usoo bandhigi doonaan macluumaadka ku aadan xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka kala dhexeeya Shabaab.
Talaabadani ayaa sii xoojineysa hanjabaad uu dhawaan Imaaraadka u diray Madaxweynaha Turkiga Rajap Dayib Erdogan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment