Caqabadaha Guurka

Bulsha:- caqabadaha guurka waa ay badanyihiin laakiin, waxaan ku soo gaabsaneynaa si guud kuwooda ugu muhiimsan ee laxiriira qadiyadaha muhiimka ah ee kala duwan si bal anagoo ka fiirineyna dhinacyo badan iyo siyaalo badan u balbalaadhino una derisno. Hagaag, caqabadaha guurka waxaa ugu muhiimssan oo ka mida:

1- Awood-darri dhaqaale: Dhaqaale xumadu waa aafada ugu weyn ee ka hortaagan dad badan inay guri xalaal ah degaan, gaar ahaan sicir bararka iyo awooda iibsasho yaraanta xilligaan jirta ee buuxinta shuruudaha darteed, awood daridu waa caqabad jirtey waligeedba iyadoo qofka ku khasbaysa islamarkaana ku cadaadineysa inuu ka caajiso ama iska daayo ama ka niyad jabo guurka.

2- Mas’uuliyadda qoyska ood qaadi weydo: Rag badan baan fulin karin gudashada xaqa ay dumarkoodu ku leeyihiin, iyaga oo ugu sabri waaya dabeecad xumadooda, uguna dulqaadan waaya dibindaabyada ay la yimaadaan. Rasuulka suubban Maxammed SCW waxa uu leeyahay: (Qofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco kuwii loo xilsaaray daryeelkooda). Waxaa la weriyey in ninka ka carara ciyaalkiisu uu lamid yahay nin Eebbe ka cararay, lagamana aqbalo Salaad iyo Soon toona. Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay: (Ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagxaan). Sidaas buuna inoogu amrayaa in aan xaaska uga ilaalinno Naar isla sida aan nafteenna uga ilaalinayno,

– Waxaadna halkaas ka garan kartaa in ninku kolkuu guursado ay labanlaabmayso mas’uuliyaddii saarrayd, ayna xakamayn ka rabaan laba nafood, kiiyoo awalba kari la’aa hal naf xakamaynteed. Xaqiiqadu taasi waa ta kalliftay rag badan oo saalixiin ahi inaanay guursan, iyaga oo kabiqi jiray Aayadda oranaysa: (Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale), Micnaha Aayaddu waxa weeye: (Haweenkiinnu masruuf bay idinku leeyihiin, marashay idinku leeyihiin, meel ay degaanna way idinku leeyihiin, iyo weliba inaad ugu raaxaysaan sida aad jeceshihiin inay idinku raaxeeyaan).

3- Cibaadada oo uu kaa carqaladeeyo: Dhibaatooyinka ka dhasha guurka waxaa kamid ah isagoo kugu dhaliya ka feker adduunyo, iyo inaad meherad ka dhigatid ubad iyo maal aruurin. Waxaa la hubiyey in nin lug haween bartay ay ku adagtahay inuu waqti u helo cibaado Eebbe. Ha yeeshee taa micneheedu ma aha in labada mid la tuuro, balse waa in guntiga dhiisha la isaga dhigo sidii labada daarood la isugu keeni lahaa. Gaar ahaan waxa uu guurku waajib ku yahay qofkaan naftiisa seef ku qaban karin oon xaaraan iska ilaalin karin.

Dookha iyo Doorashada: Waxyaalaha kale ee hor istaaga ama caqabad ku noqda yagleelida ama samaynta guurka waxaa ka mida, in qofka guursanaya ay ku adkaato, sidii uu ula bixilahaaa ninka ama gabadha uu rabo inuu la aqalgalo ama guursado, dookha ayaa noqda mid hor istaaga hirgelinta samaynta guurka maxaa yeelay, dookhu ma sahlana mana fududa; waxaa loo baahanyahay ka baaraandag qaata wakhti ku filan iyo la tashiyo badan iyo weliba caqli saliim ah oo ku caawiya. Sidoo kale, doorashada oo isku macne ay yihiin laakiin kaga duwan dhinaca xulida gabadha sida, nafsadaadu ay jeceshahey amase ka helida qofta ama la haasaawida.

Dhaqanka iyo Deegaanka: Dhaqanka ayaa isna ah mid aan la ilaawi karin, waxaa dhacda oo macqul ah in hadii labada qof ay kala haystaan labo dhaqan oo kala fog ama kala duwan dhinacyada muuqaalka iyo aaminaada, waxaa adkaata isku soo dhowaashaha labada qof ama is fahanka labada ruux ee ah inay is guursadaan ama aqal wada dhistaan; dhaqanku laftigiisu saameyntiisa ayuu leeyahey waana adagtahay fahanka labo shakhsi oon isku dhaqan ahayn. Deegaanka uu ka yimid qofka isna waa mid saameynaysa isku soo dhowaanshaha maxaa yeelay, haduu qofku ka yimid degaan ilbaxsan, colaadeed, dhaqan xun, qabiileed, horomarsan iyo mid isku dhex jir ahi way adagtahay isfahanka labadaas ee kakala yimid labo deegaan oo kala duwan sida, deegaan colaadeed iyo nabadeed.
Hammiga Iyo Hawada: Ruux kasta oo ruux nool ah oo dunidan aragti ka leh oo wax rumaysan hadaf ayuu leeyahay, gaadhitaanka hammigaas wuxuu marar iyo marar badan seejiyaa inuu guursado, qaarkood wayba ku dhintaan ama ku noqdaan waayeelo aan awoodi Karin kolkaas guurka. Sidoo kale, hawada qofka oo inbadan la sheeg-sheego cudurka koowaad ee nafsaaniga inay tahay, siday kuu leedahay beri guurso, maya ee saadambe ayay wax waliba dhag yihiin guurso, may asbuuc ama labo bilood kadib guurso ayay inbadan oo dhallinyaro ahi kaga tageen oo kaga mashquuleen ayagoo awooda inay guuradaan, dhibaatooyin ayay ka dhaxleen.

Haddaba cidda keliya oon isleennahay guur la’aanta ayaa u roon waxa weeye ninkaan arimahan aan soo xusnay aan ka badbaadi karin, kana baqaya mas’uuliyad dheeri ah oo uu Naar ku mutaysto, hayeeshee naftiisa xakamayn kara oo ka dhawri kara xaaraan kaga timaada aragiisa iyo ibtiisa. Ninka caynkaasi ah waxa u wanaagsan inaanu guursan, si aanu aakhiradiisa uga doorsan adduunyo, waana inuu sameeyaa istiraatijiyad kale oo uu ku beddelo booskii guurka.





Tan iyo intaan bilaabay baadhitaanka daraasadda, wax badan oo laga qoray ayaan arkay faa’idooyinka iyo caqabadaha guurka, laakiin dadka aan guursan iyagoo ka baqaya mas’uuliyaddaas inaysan qaadi karin ama duruuf kaleba ku khasabtay, maxaa la gudboon inuu sameeyo oo ku beddelo booskii guurka, kagadaal haddii shahwadu wali nooshahay? Jawaabta su’aashaa cid ka jawaabtay oo si waafiya oo cilmiyeysan u dhiraan-dhirisay maanan arag, sidaa darteed aniga ayaa ah (ogaalkay) shakhsigii ugu horreeyay ee la yimidey aragtidan (Beddelka Guurka), waxayna kamid tahay hal-abuurkayga dhanka cilmibaadhista iyo daraasadda, xuquuqdeedana anaa leh.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment