Caafimaadka xubnaha taranka ee Rag iyo Dumar

Bulsha:- Qofka bani’aadmiga ahi waxa uu isticmaalaa xubnihiisa taranka kolka uu u galmoonayo la qaybsadaha noloshiisa ee uu ka dhex xushay kumanaanka qof ee uu la nool yahay. Haddaba sida maacuunta nadiifka ah iyo miiska sida wacan loo goglay ay u furaan abitaaytka qofka, ayaa loo baahan yahay in mid kasta oo kamid ah labada isdoortay uu u daryeelo xubnihiisa taranka si uu u soo jiito rabitaanka gacalkiisa.

Caafimaadka xubinta taranka ee Ninka

Ninku waa inuu xubnihiisa taranka (geedkiisa) biyo iyo saabuun ku mayro ugu yaraan hal jeer maalintii. Waa inuu galmo kasta dabadeed xubnihiisa si feejigan u mayraa, gaar ahaan kolka uu ka baqayo inuu jabto qaado, isaga oo ku dadaalaya inuu xubnahaasi ka ilaaliyo wax dhaawac ah.

Ragga qolfada laga gooyo (sida Muslimiinta iyo Yuhuudda) iyaga waxaa ku filan in marka ay qubaysanayaan saabuunta ku mayraan xubnahooda taranka, mar kasta oo ay kaadiyaan ama dumarkooda u galmoodaanna iyana si wanaagsan u mayraan. Waxaa haddaba lagugula dardaarmayaa in galmo kasta dabadeed aad geedkaaga biyo kulul ku mayrtid, kulayle iyo qaboobe xilligii la joogaba, maxaa yeelay waxaa la caddeeyey in biyaha qaboobi ay geedka ragga jilciyaan oo dilaan.



Caafimaadka xubinta taranka ee Gabadha

Xubnaha taranka dumarku waxay u baahan yihiin in loo daryeelo si ka daran kana feejigan kuwa ragga sababta oo ah.   Xubnohooda taranka waxaa ku hoos jira qanjirro soo daaya dhidid iyo dheecaanno keena ur laga dido.    Qolfada kintirku sida tan geedka ninka aan la gudin oo kale ayay usoo deeysaa dareere si dhaqsa ah isu beddela, si aad ahna usoo ura, kaasi oo loo yaqaan (baaro = dooro)        Cambarku waxa uu soo daayaa dareere aysiidh ah oo hadduu xaddigiisa dhaafo jirka iyo dharkaba halleeya. Afka daloolka kaadidu waxa uu ku yaal meel dedan, taasi oo keenta in dhibco kaadi ahi ay ku hooraan cambarka, keenaanna inuu uro.


Cambarku waxa uu xiriir la leeyahay micnaha quruxda, ninkuna kolka ay haweeneydiisu isu dhiibto oo ay hor dhigto, waxa uu cambarka u eegaa sidii isaga oo hor fadhiya shey xurmo mudan. Lama xisaabi karo inta dumar daqiiqaddaasi ku waayey jacaylkii gacalkoodu u qabay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment