5 Astaamood oo cadeynaya in haweeneydu aysan wali hilmaamin jaceylkeedii hore..!

Bulsha:- Dhamaan xaawaleyda dumarka ayaa aalaaba qarsada, arimo badan oo nolosheeda xusuus iyo saameyn ku leh ayadoo ay haweenku ay arimahan ka qariyaan dadka kuwa ugu dhow.

wax yaabaha ugu waa weyn ee haweenku ay aadka u qariyaan ayaana waxaa ka mid ah jaceyl iyo xasuus ay u heyso qof nolosheeda horey usoo maray balse aysan waqtiga la joogo xiriir laheyn.

Calaamadaha cadeynta u ah in haweeneydu ay wali xasuus wanaagsan u heyso jaceylkeedii hore isla markaana aysan wali ka rajo dhigin ayna dooneyso in ay soo ceshato ayaa waxaa ka mid ah:

1- In ay wali heysato Number-ka taleefoonkiisa iyo sidoo kale cinwankiisa Facebook.
waxaana intaas sii dheer oo daliil cad u ah, marka ay wali keydsato sawirada kulminaya labadooda oo aysan wali masaxin ama tirtirin, arintan ayaana daliil cad u ah in haweeneydaani aysan rabin in ay hilmaanto xabiibkeedii hore, balse waxey iska dhigtaa mid hilmaantay ama ku howlan.

2- Hadiyadihii uga yimid dhankiisa oo ay wali xifdiso, ayadoo aan u celin ama iska tuurin, isla markaana sabab uga dhigeysa in aysan arintaasi laheyn marmarsiimo ku filan oo ay ugu celiso hadiyadihii uu u keenay waqti hore.

3- Arinka ugu daran daliil aan mugdi ku jirina noqon kara ayaa ah in ay haweeneydu ay wali heysato ama xifdineyso Message-yadii ama fariimihii uu taleefoonka ugu soo diri jiray gacaliyaheedii hore, arintan ayaana ah mida ugu daran ee muujineysa in haweeneydu ay walirajo ka qabto in ay mar uun dib u hanato yarkii qalbigeeda hantiyay balse ay kala hareen.

4- In haweeneydu ay asxaab iyo dad ku dhow dhow wiilka ay ka wareysato xaaladihiisa iyo meesha uu wax marsiinayo, xaaladihiisa iyo meesha uu wax marsiinayo, ayadoo ka cabsi qabta in uu xaliimo kale xiriir cusub la xirto, haweeneydu marka ay sidaan isku aragtana, waxa ay u kuur gashaa sidi ay kusoo celin laheyd xiriirkii kala dhaxeeyay xabiibkeedii hore.

5- Hadii haweeneydu ay wali xiriiriso waalidkii iyo walaalihii wiilka ay jeclaatay waxa ay muujineysa in ay wali waajibkeeda gudaneyso, isla markaana ay u heyso dareen jaceyl oo la mid midkii hore.

Hadaba hadii aad tahay haweeney horey xiriir uga xumaaday isla markaana aad calaamadahan qaar ka mid ah isku aragtid waxaad ku dadaashaa inaad geesi nimo muujisid, isla markaana dib usoo celisid inta aysan xeero iyo fandhaal kala dhicin xiriirkii xiisaha iyo kalgacalka lahaa ee kaala dhaxeeyay quruxloowga qanciyay qalbigaada..











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment