Bulsha:- Diyaarado laga leeyahay dalka mareekanka ayaa xalay waraaqo digniin ah ku daadiyey Degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo ka tirsan Gobolka Jubbadda dhexe.
Waraaqaha ay diyaaradaan daalisay ayaa la sheegay inay ku qornaayeen digniino ku socdo ururka Al-Shabaab oo ku sugan qeyb kamid ah halkaas, waxayna illo wareedyo lagu kalsoonaan karo sheegayaan in xalay fiidkii diyaaradahan mar kaliya lagu arkay hawada Magaalooyinka Jilib iyo Jamaame oo ah Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab, aadna ay ugu xoog badan yihiin, midaasna ay cabsi weyn ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.
Digniinta ku qornaa waraaqahaan ayaa ahaa inay Al-Shabaabka ku sugan deegaanadaas isku soo dhiibaan muddo laba bil ah haddii kale ay la kulmi doonaan dagaal adag oo dhibato kasoo gaari doonto.
Dadka ku nool Magaalooyinka Jilib iyo Jamaame iyo sidoo kale dagaalyahanada Shabaabka ka tirsan ee warqadahaasi akhristay ayaa lasoo sheegayaa inay dareemeen cabsi weyn oo kaga imaan karto digniinta la daadiyey, waxayna bulshada halkaas ku nool ku seexatay xalay cabsi aan horey Magaalooyinkaas uga jirin.

Waraaqihii lasoo daadiyey ayaa durba waxaa Magaalada ka aruuriyey ururka Al-Shabaab oo diidanaa inay farrintaan si buuxda u wada gaarto shacabka halkaas ku nool, waxayna dadka u sheegeen inaysan wax cabsi ah ka qaadin digniintaan ay ku sheegeen inay tahay cabsi ay qabaan ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan.
Dowladda Soomaliya weli ma aysan ka hadlin sababta waraaqahaan loo daadiyey iyo haddii ay ka war qabto, sidoo kalana weli Al-Shabaab kama aysan hadlin.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment