Bulsha:- Shabakada Bulsha.com ayaa isku howshay Raadinta Xogta la xiriirta Dhamaadka Bisha Ramadaan iyo Bilashada Bisha Shawaal taasoo dadka badi ay Ciidul Fidriga isku diyaarinayaan.
Meelo ay ka mid yihiin Malaysia, Indonesia iyo Australia ayaa goordhaweyd looga dhawaaqay in Axada Berri ay Ciid tahay.
Waxaa Macquul ah in Qofka Warbixintaan akhrinayo uu mala awaal u fahmo Balse waxaad ogaataan in Waddamadaasi ay Saacado Ahaan Naga Horeeyaan Soomaaliya dadka kusugan iyo kuwa kale ee Carabta.
Ilaa 6 Saac ayey naga horeeyaan Malaysia,oo Salaadii Cishaha ayeyba hadda galayaan waddamada Qaarkood.
Waddamada Sacuudiga,Imaaraat-ka Carabta,iyo Dalalka Khaliijka ayaa iyaguna Maqribnimada Caawa ku dhawaaqi doona in ay Berri Ciid tahay iyo In Kale.
Tv-Ga Malesia ayaa looga dhawaaqay Caawa in beri ay tahay ciid waxaana arintaas shaaciyay Syed Danial Syed Ahmad.
“Waxaan cadeynayaa oo aan ku dhawaaqayaa in beri oo axad ah June 25-keeda ay tahay maalin ciid u ah Malesia” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay culimada Maleysia
HAPPY EID MUBARAK

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment