Bulsha:- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goor dhow oo saaka ah soo gaba gabeeyay howl galkii ka socday Maqaayadda Pizza House, kaddib howl gal qaatay saacado oo tan iyo xalay ka socday gudaha Maqaayadda.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in la toogtay dhamaan raggii gudaha u galay, isla markaana xaalada ay iminka gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka.
meydad hor leh ayaa saaka laga soo saaray Maqaayadda Pizza House oo xalay ay weerareen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo howl gal qaatay 11 saacadood kaddib ay ciidamada ammaanka ku guuleysteen in goor dhow oo saaka ah ay soo afjaraan.
Dadka kale ee gudaha Pizza House lagu arkay waxaa ka mid ah 4 gabdhood oo walaalo oo 3 ka mid ah la dilay halka midda 4aad la toogtay kadibna ay meyd iska dhigtay, sidaasina ay ku bad-baaday mid ka mid ah gabdhihii, guud ahaan meydadka gabdhaha ee lasoo bixiyeyna waa 6 Gabdhood.
Sidoo kale meydka nin Suuriyaan ah oo ka shaqeynayay maqaayadda ayaa isna lagu arkay qeybta Kushiinka ee maqaayadda.
Illaa 18 ruux ayaa ku dhintay weerarkii xalay lagu qaaday labada Maqaayad ee Posh Treats iyo Pizza House, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaa laga yaabaa inuu Khasaaraha intaas ka bato maadaama uu weerarka dhacay xilli habeen ah, wixii warar ah ee kusoo kordhana waan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment