Bulsha:- Actress Kiara Advani filimkeeda ugu danbeeyay ee bollywood wuxuu ahaa filimka Machine kaasi oo si weyn u bur buray sidoo kale waxaa hori idin wadaagnay in Kiara la hadal haayo in atariisho ka noqan doonto mahesh babu filimkiisa xiga.
Waxaana maanta la xaqiijiyay in Kiara Advani Mahesh Babu jaceyl la wadaagi doonto filimka Bharat Ane Nenu waana mashruuc weyn oo sanadka soo socdo la daawan doono.
Kiara ayaana maanta kooxda filimka Bharat Ane Nenu kula soo biirta duubista filimka atariishada ayaana fursadaan ku heshay bandhiga filimkeeda Dhoni oo amaan weyn ku heshay.
Suldaan Mahesh Babu ayaa filimkaan ku jili doono wasiir awood badan waxaana filimkaan director ka ah Koratala Siva oo hori Mahesh Babu u sameeyay filimka blockbuster weyn noqday ee Srimanthudu.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment