Bulsha:- Maxkamada Ciidamada qalabka sida dowlada Soomaaliya ayaa saakay u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heestay labo askari oo katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya, kuwaa oo loo heestay dilkii Muqdisho loogu geestay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Cabaas Sheekh Siraaji.
Labada askari ee maanta lasoo taagay Maxkamada ciidanka Qalanka sida oo kamid ahaa ilaalada Hanti Dhowrihii Qaranka Dr Nuur Faarax ayaa lagu kala magacaabaa Dable Xooga Axmed Cabdulaahi Cabdi Ceydiid iyo Sadex Alifle Ciidanka Asluunta katirsan Cusmaan Salaad Barre.
Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale la horkeenay saraakiil katirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo habeenkii dilka dhacayay shaqada ku jiray iyo sidoo kale saraakiil katirsan laanta Dambi baarista kuwaa oo wax laga weediinayay sida uu dilku u dhacay.
Dood dheer iyo su’aala weydiin kadib ayaa garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxa ay xeer ilaalinta ciidamada ka dalbadeen inay keenaan cadeymo dheeri ah, sidoo kale qareenada difaacayay eedeysanayaasha loo heysto kiiska dilka ah ayaa iyagane codsaday in maxkamadda dib loogu dhigo.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda xirantahay, isla markaana dib la isugu soo laaban doono marka ay keenaan xeer ilaalitana cadeymo ku filan kiiska loo heysto eedeysanayaasha maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda ciidamada qalabka sida.







Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment