Bulsha:- Waxa ay warar dheeri ah ka soo baxayaan weerar isugu jira qarax iyo mid fool ka fool ah oo fiidnimadii caawa lagu qaaday Bar Pizza House oo ku yaala xaafadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Baarkan la weeraray oo ku yaala ka soo horjeedka Hotel Posh Treats, ayaa waxaa uu weerarku ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay waxaana xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay hotelkaasi.
Xilligii uu weerarka bilaabanayay ayaa waxaa uu mashquul badani ka jiray Hotelada Pizza House iyo Posh Treats oo ay ku badan yihiin dadka dibedda ka yimid.
Pizza House ayaa ah goob ay aad u fariistaan dhalinta qurbo-joogta ee sanadihii ugu dambeeyay dib ugu soo laabanayay Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dableyda gudaha ugu jirta dhismaha ay ku dhex afduubteen tiro dad ahi, inkastoo aan la kala garanayn waxa ay isugu jiraan dadkaasi.
Waxaana ilaa iyo hadda soo baxay warar sheegaya in sagaal qof ku geeriyootay weerarkaasi oo isugu jira rag iyo dumar iyo iyo qaar kamid ah ilaaladii hotelka.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment