Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ubax dhigay Taalada Darjirka Dahsoon, iyadoo maanta ay ku beegan tahay 26-ka June 57 guuradii ka soo wareegatay, markii Calan Soomaaliyeed laga taagay magaalada Hargeysa, gumeystihii kadib
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka jeediyay halkaas khudbad kooban oo uga hadlayay maalmaha xoriyadda, isagoo xusay in maanta ay tahay maalin weyn oo taariikh u leh Umadda Soomaaliyeed, oo ah 57 guuradii ka soo wareegatay markii Calanka laga taagay dhul Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in maanta ay tahay maalintii halgankii ay bilaabeen dadkii xornimo doonka ahaa oo mira dhalay, balse ay gadaal wax ka xumaadeen sida uu yiri.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay madaxii iyo wadnihii Umadda Soomaaliyeed, in magaalada lagu soo celiyo, sidii ay ahaan jirtay, bilicdii, quruxdii iyo amaankeeda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay amniga kala shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana ay u wada istaagaan sida uu yiri.
Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta dabaal dega maalmaha xoriyadda, iyadoo ay ku soo aaday Ciida Soonfur, waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la qabto Munaasad weyn oo lagu maamuusayay 1 July, oo ku beegan 57 guuradii ka soo wareegatay is raacii Gobolada koofur iyo waqooyi, markii ay xornimada ka qaataan Gumeystihii sanadkii 1960.



Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment