Bulsha:- Maamulka Somaliland ayaa walaac ka muujiyay diyaaradaha laga leeyahay dalka Qadar ee weli isticmaalaya Hawadda maamulka xili dhawaan ay shaaciyeen in diyaaradaha Qadar aysan isticmaali karin hawada maamulka.
Maamulka ayaa sheegay inay sii kordhayaan cadadka diyaaradaha Qadar ee sida tooska ah u isticmaala hawada, kuwaa oo aan u joogsan amarka ay Somaliland ku joojisay isticmaalka hawadeeda.
Farxaan Aadan Heybe oo ah Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada maamulka Somaliland, ayaa sheegay in dowlada Qadar ay xadgudub qaawan ku heyso hawada maamulka.
Heybe waxaa uu sheegay intaasi ay tahay mid laga xumaado, Maadaama Somaliland ay horay Hawadeeda ay uga mamnuucday diyaaradaha dowladda Qadar.
Sidoo kale, Heybe waxa uu cadeeyay in ilaa iyo hadda ay hawada Somaliland maamusho Hay’adda QM, oo diiday inay mamnuucdo duulimaadyada Qadar ee isticmaalaya hawada maamulka Somaliland.

Heybe ayaa sidoo kale, tilmaamay in diyaaradaha Qadar ay hawada Somaliland ku isticmaalan ogolaanshi ay ka heystan dowlada Somalia.
Geesta kale, Wasiirka ayaa ku goodiyay inay qaadi doonaan talaabo lid ku ah diyaaradaha Qadar ee isticmaala Hawada maamulka.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment