Maqaal: Shabakada Boxoffice India Oo Ku Tilmaantay Toilet – Ek Prem Katha Inuu Noqon Doono Akshay Kumar Filimkiisa Lacagaha Ugu Badan Keeno!

Bulsha:- Shabakada Boxoffice India ayaa ka mid ahayd shabakadaha lagu casuumay daawashada goos gooska filimka weyn Toilet – Ek Prem Katha ee Super Star Akshay Kumar hogaamiye ka yahay.

Goos gooska Toilet – Ek Prem Katha maanta ayaa si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa balse inta aan hawada lagu soo deynin shabakada lagu casuumay ama la tusay daawashada goos gooskan waxaa ka mid ahayd Boxoffice India oo ah shabakada kowaad ee arimaha ganacsiga Bollywood-ka ka hadasho.

Fadlan hoos kaga bogo maqaalka ay Boxoffice India kasoo daabacday markii ay daawadeen goos gooska filimka Toilet – Ek Prem Katha waxaana kuu turjuntay shabakada Filimside:

Waa hubaal Toilet – Ek Prem Katha goos gooskiisa waxaa lagu arkay inuu ka mid noqon doono filimada ugu wanaagsan ee ilaa haatan sanadkaan la daawaday.

Ku dhawaad 100-filim ayaa ilaa haatan sanadkaan tiyaatarada la saaray laakiin labo filim oo kaliya ayaa goos gooskiisa ahaayeen kuwo filimo fariin ahaan dhaqanka Hindiya ku saleesan ee leh mada daalo dhameestiran waxayna kala ahaayeen Badrinath Ki Dulhania iyo Bahubali 2.

Badrinath Ki Dulhania (SUPER HIT) iyo Bahubali 2 (ALL TIME BLOCKBUSTER) waa labada filim ee ilaa haatan ugu weyn Hit ahaan oo ay Bollywood-ka sameeyeen waxaana ugu wacan inay ahaayeen labo filim Hindi dhab ah (real Hindi Movies).

Wixii markaas ka dambeeyay goos gooska filimka Tubelight ayaa lasoo bandhigay waa mid wanaagsan inkastoo Tubelight lagu eedeenayo inuu sheeko ahaan filim Hollywood laga soo xigtay yahay.

Laakiin goos gooska Tubelight mid diyaarsan oo ka muuqdo dhaqan filim Hindi ah ayuu ahaa madaama dagaalka lagu soo bandhigay dareenka filimada Hindiga lagu yaqaan leeyahay sidoo kalena heesihiisa wanaagsan yihiin sidaa darteed siweyn ayu u gadmi doonaa madaama uu yahay filim Hindi dhab ah oo leh mada daalo, dareen murugo, heeso iyo waxyaabo kale.

Goos gooska Toilet – Ek Prem Katha ayaa naga yaabiyay madaama uu yahay filim 100% dhameestiran mada daalo ahaan sidoo kalena ah filim Hindi dhab ah oo dhaqanka si adag ugu tiirsan hab wacana fariintiisa loo dhigay.

Sidaa darteed waa la yaab sanadkaan 2017 lixdiisa bilood ee ugu horeyso 100-filim oo la daawaday in 4-filim Hindi rasmi ah noqdaan kuwaas oo leh mada daalo dhameestiran dadkana tiyaatarada kusoo jiidi karaan, labo wey hirgaleen labada kalena waa hubaal inay guul weyn gaari doonaan.

Aan usoo laabano Toilet – Ek Prem Katha wuxuu leeyahay shactiro, dareen, murugo iyo fariin arimaha bulshada oosi wacan la isugu dheeli tiray, hubanti ahaan goos gooskiisa dadka wuxuu sii doonaa jiho saxan oo filimkaan loo raaci doono.

Mada daalo ahaan Toilet – Ek Prem Katha wuxuu u eg yahay mid shactiro ah laakiin fariintiisa ayaa ah mid adag waana waxa ugu muhiimsan ee filim guul weyn ku caawin karto inuu si wacan isugu dheeli tiran yahay.

Sidoo kalena filimkaan hadal heyntiisa cirka ayay gashay todobaadyadii ugu dambeesay madaama fariin arimaha bulshada ku saabsan xambaarsan yahay oo ah in guri kasto min tuulo ilaa magaalo helo musuql nadiif ah nadaafadana lagu dadaalo.

Waa wax soo jireen ah hadii filimka fariin waaqici ah xambaarsan yahay hab mada daalana loo dhigo fariintiisa in bulshada oo dhan soo jiidan karo sidaas ayuuna u eg yahay Toilet – Ek Prem Katha hubanti ahaan.

Director-ka filimkaan Shree Narayan Singh filimo badan ayuu faaf reebay laakiin horey hal filim ayuu u sameeyay waana Yeh Jo Mohabbat Hai (2012) waana filim la iska hilmaamay oo aanba la xasuusanin sidoo kalena guul dareestay madaama ay maal galisay shirkadii Shakti Films ee 60-maadkii iyo 70-maadkii Bollywood-ka caan ka ahayd.

Toilet – Ek Prem Katha wuxuu u muuqdaa ama awood u leeyahay inuu noqdo filimka Akshay Kumar sameeyay midkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo inkastoo ay tahay xili hore in arinkaan laga doodo.

Waayo laga bilaabo 1-da bisha July waxaa Hindiya ka dhaqan gali doono qaadista nidaamka halka canshuur gobolada oo dhan Goods and Services Tax (GST).
Midaas waxay keeni doonaa in filim kasto hal canshuur oo isku mid ah xadi ahaan in laga qaado 30% ama 40% taasi oo meesha ka saari doonto in filimka canshuurta laga dhaafo gobolada qaar sida hada la sameeyo.

Walow Bollywood-ka faa’iido ugu jirto nidaamka Goods and Services Tax (GST) hadana filimka wanaagsan dan uguma jirto madaama canshuurta laga dhaafi lahaa hadii sheekadiisa waaqici tahay si bulshada oo dhan u daawadaan.

Sidaa darteed Toilet – Ek Prem Katha waxaa macquul ah fursada gobolo badan canshuurta looga dhaafi lahaa inay gafto madaama filimkaan la daawan doono 11 August 2017.

Gunaanad:

Laakiin Boxoffice India waxay ku barad tameysaa in Toilet – Ek Prem Katha uu noqon doono filimka Akshay Kumar sameeyay midkiisa lacagaha ugu badan Boxoffice-ka Hindiya kasoo xareeyo oo uu qiyaas ahaan soo xareen karo 140 Crore ilaa 150 Crore.

Waxaan Rajeyneynaa Sida Shabakada Boxoffice India Goos Gooska Toilet – Ek Prem Katha Usoo Jiitay Anagana Aan Uga Helno Marka Lasoo Bandhigo Maanta……..

F.G: Aqristihii la socdo ama og xiliga goos gooska Toilet – Ek Prem Katha lasoo bandhigaayo maanta hanala wadaago waa codsi, waana mahad santihiin………………………..










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment