Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaalada Kampala ee Dalka Uganda (SAWIRRO)

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayo, ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Wefdiga Madaxweynaha oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Kampala, waxaana lagu wadaa in booqashadoodaasi ay qaadato muddo laba maalmood ah.



Madaxweynaha Farmaasjo iyo wefdigiisa, ayaa waxaa lagu wadaa in Magalaada Kampala ay kaga qaybgalan shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga.

Mudada uu Madaxweynuhu ku sugan yahay magaalada Kampala waxaa la fillaya in ay isu arkaan dhigiisa dalkaasi Uganda Yoweri Museveni iyo madax kale oo ka socota caalamka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment