Bulsha:- Ma ahan markii ugu horeesay Katrina Kaif in laga qaado sawir xaalad aysan si diyaarin ama dayacaad ka muuqato jirkeeda meelo ka mid ah.
Balse markaan Katrina Kaif waxay noqotay qof feejigan waxayna sawir qaade ka dalbatay inuu tir tiro sawir uu ka qaaday xili xidigtaan wax ka qaldanaayeen muuqaal ahaan ama jir ahaan.
Katrina Kaif dhacdadaan aysan rabin waxay la kulantay maalmo ka hor xili iyada Salman Khan iyo Alia Bhatt wada qabteen shir jaraa’id oo ay faah faahin kaga bixinayeen xaflada IIFA 2017 ee magaalada New York lagu qaban doono 13-ka ilaa 15-ka July 2017.
Katrina Kaif markii ay goobta shirka jaraa’id soo koreesay waxay wadatay dhar gaab gaaban waxaana dhacday in maradii gaabneed ay wadatay waxyar sare u qaadmatay kadibna sawir qaade si deg deg ah sawir qeybteeda hoose kaga qabtay!
Katrina isma waalin marka ay masraxa soo kortay qofkii sawirka ka qaaday ayay u wacday kadibna waxay xi xushmdad ku dheehan u weydiisatay inuu tuso sawirkii uu ka qaaday kadibna uu tir tiro.
Sawir qaadihii ayaa isku xishooday kadibna dalabkii Katrina ayuu aqbalay oo goobta ayuu ku tiray sawirkii Katrina ee xoogaa marada sare ka biday qeybteeda hoosena la arki karay.

Katrina marar kala duwan ayay marada si qaab daran kaga dhacday ama kaga biday xili ay xayeysiis u sameeneesay filimada Ajab Prem Ki Gazab Kahaani (2009) iyo Dhoom 3 (2013) oo aysan xiligaas ku baraarugin balse sawiradeeda qaabka daran kaliya Internet-ka ku faafeen aragtay.
Sidaa darteed Katrina hada aad ayay u feejigan tahay waxayna ku guuleesatay sawir aan munaasab ahayn oo maalmo ka hor laga qaaday inuu Internet-ka ku baaho bilaa xuduud………
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment