Bulsha:- Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku heyso xaalada xiddiga garabka kaga ciyaara Kooxda Bayern Munich Douglas Costa, iyagoona u arka bedelka xiddiga Kooxda Roma Mohamed Salah.
sida lagu qoray wargeyska Bild ee kasoo baxa dalka Jarmalka, Macalin Klopp ayaa wadahadal rasmi ah la bilaabay garabka duula ee Xulka Qaranka Brazil.
Tababaraha Kooxda Liverpool ayaa xiddigaan u arka badalka ciyaaryahanka bartilmaameedka weyn u ah kooxdiisa ee Salah.
Roma ayaa shaacisay in kaliya £ 40m ay ku fasaxeyso ciyaaryahyanka reer Masar, laakiin Kooxda Liverpool ayaan diyaar u aheyn in ay qiimahaas ka bixiso xiddigii hore ee Chelsea.
Reds ayaa Tartan xoogan kala kulmi doonta dhowr koox oo lasocda xaalada ciyaaryahanka Bayern Munich.
Costa ayaan si joogta ah ugu ciyaarin kooxda ka dhisan Allianz Arena, isagoona xilli ciyaareedkii dhamaaday kooxda Carlo Ancelotti kasoo muuqday kaliya 20 kulan.

Ninka reer Brazil ayaa la rumaysan yahay inuu ka tagi doono Kooxda Bayern Munich Marka uu furmo Suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.
Liverpool ayaa xiddigaan saxiixiisa kula dagaalami doonta kooxaha reer England ee Manchester United, Tottenham Hotspur iyo Manchester City.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment