Bulsha:- Dowladda Turkiga ayaa waxa ay dalka Soomaaliya u soo dirtay Markab sida raashin gargaar ah oo noocyadiisa kala duwan, si wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee abaartu ay ku habsatay.
Markabkan shalay ka soo shiraacday dalka Turkiga ayaa sida Raashin tankiisu yahay 13,000 tan waxaana maalmaha soo socda la filayaa inuu soo gaaro Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Deeqdaan Raashinka ah ayaa ka kooban raashinka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dawladda Turkiga ay raashiinkani ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed ee bisha ramadaan ku jira xeryaha qaxootiga.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga Turkiga Veysi Kaynak, ayaa xaqiijiyay in dowladda turkiga ay markabkaas Soomaaliya u soo dirtay, waxa uuna sheegay in Maraakiib kale oo sida raashin loo soo diri doono dalka Soomaaliya.
Inta badan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufatay abaar saameysay dadka iyo duunyada ku nool in kastoo haatan ay hadda tahay mid sii yaraaneysa oo roobab badani ay dalka ka da’een ayaa waxaa jira dad badani oo xoolihii ay ka dhamaadeen oo magaalooyinka soo galay.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment