Bulsha:- Matteo Darmian oo difaaca uga dheela kooxda kubadda cagta Manchester United ee dalka Ingiriiska ayaa ka mid noqday xiddigaha kubadda cagta ee guursaday, waxaana uu ku aqal galay dalkiisa hooyo ee Talyaaniga.
Darmian ayaa la aqal galay gabadha uu mudada dheer xiriirku kala dhexeeyey ee Francesca Cormanni, iyagoo xaflad Aroos oo heer sare ah ku dhigtay waddanka Talyaaniga.
Waxa ay labadan lammaane oo tan iyo dhallinyaronimadoodii wada socday ay isku guursadeen kaniisada Rescaldina, halkaasoo qoysaska labada dhinac iyo saaxiibadooduba ay goob joog ka ahaayeen.
Laacibkii hore qadka dhexe ee kooxda Man United Morgan Schneiderlin iyo difaaca reer Talayani oo ay ka wada tirsanaan jireen Darmain kooxda Torino ee Alessio Cerci ayaa ka mid ahaa dadkii caanka ahaa ee soo xaadiray xafladda aroos ee difaaca Man United taasoo ka dhacday meel ku dhow magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.
SAWIRRO:

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment