Bulsha:- Quruxleyda Ayesha Takia oo shaashada horteeda inee soo istaagto iska dhaaftay ayaa leh waligey ma xiran dharka Bikini mana xiran doono.
Ayesha ayaa suaal adagla weydiyay xili saxaafada ay la fal galeysay waxayna dhaheen maxaad u xiran weyday dharka atarishoyinka badankood xirtaan ee dabaasha ah Bikini.
sido kalena hadii aadan xirana Filimsameye intuu kuu yimaado filim kula saxiixanayo ma arkeysid, Ayesha aad ayee uqososhay waxayn tiri,” waxaan sameyay 20 Filim oo cajiib ah hal kamid ahna waligey kuma xiran dharka qaawananshaha ah ee Bikini loo yaqaano.”
“waxaan ahay qof Fashionka xiiseso, balse goaankeyga marnaba isma badalaayo waayo aniga kama helo inaa shaasahda horteeda isku qaawiyo waliba xad dhaaf.”
muhiimada ugu weyn ee aan u diidana xirashada dharkaas waxay ahed inaan maalin uun caruur yeelan doono, markaa hadii ay caruurteyda barki kamaalin daawadan hooyadooda oo qaawan midaasi wey ka yaabin lahed.”
“sidaa awged hadaba waxaan leeyahay hal wiil mana doonayo in uu daawado waxyaabahas ookale marka waligey dambena ma xiran doono dharkaas iyo wax lamid ah.”
dhanka shaqada Ayesha waxay kasoo muuqan doonta filimkeeda xiga eeBorivali Ka Bruce Lee quruxleydan wa filimkii ay kusoo laaban laheed maadama in mudo ah ay shaashada ka maqneed.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment