Bulsha:- Waxaa jiraan xidigo badan oo caan ah kuwaaso aanan isticmaalin baraha bulshada sido kalena aanan xiiseninba gabi ahaan, waxaana xidigahaas koow ka ah Aishwarya iyo Rani Mukherjee.
Hadaba Aish marwax laga weydiyay sababta ilaa haatan ayasan u isticmaalin baraha bulshada iyo inee soogali doonto sameysan doonto aaladaha kala duwan sida Twitter, Instagram, Facebook iyo wixii lamid ah waxay ku jawaabtay xidigtaan.
“ waad mahadsantihiin maadama suaashas iweydiseyn (weyna qosleysay markee hadalkaa laheyd), waxbadan ayaan ka fikiray arinkaa.”
Waayo dadbadan ayaa iweydiyay asaxaab, qaraabo iyo taagerayaal badanba, balse aniga ayaanan isku taxluujinin.”
Balse markaan waa hubaal sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan ugu soo biiri doona baraha bulshada anigoo codsiyadiina kala duwan tixgalin doono.”
Aish oo kamid ah xidigaha India ugu caansan shacbiyad balaarana kuleh gudaha India iyo daafaha caalmaka, dabcan hadalkeeda taagerayaal fara badan ayuu ka farxiyay waxayna isku diyaarinayaan goorta ay Aish kusoo biiri doonto baraha bulshada.

Dhanka shaqada Aish filimkeedi ugu dambeyay wuxuu ahaa Aye Dil Hai Mushkil oo ay la hogaamineysay Ranbir Kapoor, filimkeeda xigana waxaa la isla dhexmara in ninkeeda iyo ayada ay filim wada sameyn doonan goordhowna duubis lagu bilaawi.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment