Aqalka galka Preity Zinta wuxuu ka dhici doonaa magaalada Los Angeles ee dalka Mareekanka sidoo kalena dad badan laguma martiqaadi doono madaama labadan lamaane ay yihiin dad jecel nolosha qaaska ah ee aan buuqa badneyn.
Preity Zinta qorshaheeda wuxuu yahay in bisha April ay xaflad weyn ku dhigato magaalada Mumbai sidoo kalena ay ku casuunto saaxiibada ay Bollywoodka ku leedahay.
Waxaa la sheegay in Hrithik Roshan xaaskiisii hore Sussana Khan ay ka mid tahay martida lagu martiqaaday inay Los Angeles kala qayb gasho Preity Zinta arooskeeda madaama ay saaxiibo dhow yihiin labadan gabdhood.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment