Bulsha:- Gabadha la dhalatay weeraryahanka kooxda Barcelona Neymar ayaa waxaa horraantii Isbuucaan lagu arkay magaalada London, iyadoo la socotay walaalkeed.
Si kastaba ha ahaatee, Rafaella ayaa haatan caddeysay inay heshay wiil ay jeceshahay oo ay u aragto midkii nolosha la qeybsan lahaa, waana weeraryahanka kooxda Inter Milan una dhashay dalka Gabigol.
Gabriel ‘Gabigol’ Barbosa iyo Rafaella ayaa sawir ay ku caddeynayaan jaceylkooda soo geliyey baraha bulshada, iyadoo markaas ay isku shuminayeen balakoonka.
Sawirkaan ayaa in ka badan 100 kun oo likes ku helay saacado gudahood, iyadoo gabadhaani ay soo dhigtay barta Instagram oo ay ku leedahay in ka badan hal milyan oo taageereyaal ah.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment